|
Wasaaraha Xukuumadda federaalka
ee Dowladda Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa
maanta Booqasho rasmi ah ku tagay Xaruntii hore ee
Villa Somaaliya ee Madaxtoyada, halkaasoo ay si diiran
ugu soo dhaweeyeen Dadweyne aad u fara badan oo ka
kala yimid qeybaha Magaalada Muqdisho.
Prof Geedi oo ay Booqashadisa ku wehliyeen Wasiir
ku-xigeen Xiriir Gobaleedka Dalka Kenya Joseph Nyaga,
Wakiilka Xoghayaha Guud u qaabilsan arrimaha
soomaaliya Baba Femi Badeeja iyo danjirayaal ka socda
Beesha Caalamka, gaar ahaan Midowga afrika,Jaamacada
carabta, dalalka Igad, waxay xaruntaasi kala kulmeen
soo dhaweyn aad u heer sareysay, iaydoo Dadweynahaasi
ku dhawaaqayay soo dhawada Raisul Wasaare adiga iyo
wafdigaada.
Hadal uu dadweynahaasi u jeediyay raisuil wasaare
Geedi waxa uu ugu horreyntii uga mahadceliyay sidii
diiraneyd ee isaga iyo wafdigiisa ugu soo dhaweeyeen
Xarunta Madaxtooyada, wuxuuna sheegay in tani ay
muujineyso in dadweynuhu ay baahi weyn u qabaan
Dowlad,isagoo intaa raaciyay in Dowladu ay wax u qaban
doonto Dhallinyarada Hubeysan ee Maleeshiyaadka oo loo
qaadan doono Ciidamadfa Booliska iyo militariga, kuwa
buuxiya Shuruudaha Ciidanka, kuiwa kalena la siin
doono tababar farsamo ah oo ay ku shaqeystaan.
Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi waxa uu u sheegay
Masuuliyiinti iyo Dadwerynihii xarunta Madaxtooyada
kusoo dhaweeyay in laga sugayo in ay wax ka qabtaan
Amaanka iyo xasiloonida Muqdisho si Muqdisho ay usoo
ceshato Sharaftii ay caanka ku aheyd, wuxuuna
weydistay inay Taagero buuxda siiyaan Dowlada isagoo
sheegay in Xukuumadu waddo barnaamijo wax looga
qabanaaayo dhinacayadfa Amaanka,dib u dhiska iyo
barnaamij ku wajahan hub ka dhigista.
Masuul ku hadlay Ururkii SNA ee Taageera Ra'iisl
Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka arrimaha Gudaha
Mudane Injineer Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid, waxa uu
sheegay in isagoo matalaya Dadweynaha iyo
masuuliyiinta SNA ay Diyaar u yihiin inay furaha
Xarunta Madaxtooyada,Radiyo Muqdisho iyo Taliska
Booliska Soomaaliyeed ay ku wareejiyaan Dowladda
Federaalka KMG ee Soomaaliya.
Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cali
Maxamed Geedi waxa kaloo maanta xarunta hore ee
Xisbiga uu kula shiray Xubnaha Labada Gole ee
Xukuumada iyo Baarlamaanka.
Kulankaasi waxaa kaloo ka soo qeybgalay
Wasiir-ku-xigeenka Xiriir Gobaleed Geeskia Afrika
Joseph Nyaga iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Arrimaha
Soomaaliya u qaabilsan Mr.Femi Badejo iyo
Danjirayaasha dalalka Igad iyo Jaamacadda
Carabta,waxaa kulankaasi hadal Warbixin iyo soo
dhaweyn isugu jira ka jeediyay Xildhibaan Cumar
Xaashi,Xildhibaan Jaamac Cali Jaamac iyo Guddomiye ku
xigeenka Baarlamaanka muidane Cusmaan Cilmi Boqore
waxayna sheegeen in ay qabteen Howl wax ku ool ah oo
ku saabsan sidii loo nabadeyn lahaa Magalada Muqdisho
iyadoo ay caddeeyeen inay agaasimeen Ciidamo wax ka
qabta Nabadgelyada Magaalada Muqdisho,iyagoo caddeeyay
ineysan jirin wax khilaaf ah oo dhex-yaala Labada
Gole, ayna diyaar u yihiin inay ficil u badalaan
waxqabadkooda.
Mudane Cali Maxamed Geedi oo isna shirkaasi ka hadalay
waxa uu u sheegay xubnahaasi inuu ku faraxsanyahay
wixii ay qabteen, balse ay muhiim tahay in ficil laga
dhigo wax ka qabashda Nabadgalyada Magaalada Muqdisho.
Prof Geedi wuxuu kaluu intaa raaciyay inay haboon
tahay inb la adkeeyo Midnimada Xubnaha Dowlada
islamarkaana qabashada Howlaha maamulka ay u xilsaaran
tahay Xukuumada, baarlamaankana uu u xilsaaran yahay
kormeerida Howlaha,wuxuuna weydistay iney meel iska
dhigaan khilaafyada oo ay wax waliba ka hor mariyaan
wax u qabashada Ummadda..
Waxaa iyana ka hadlay kulankaasi Wasiir ku xigeenka
Xiriir Gobaleedka Geeska afrika Joseph Nyaga iyo Baba
Femi Badejo oo caddeeyay inay Diyaar u yihiin iney si
buuxda u taageeraan Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan
Mr.Jospeh Nyaga oo timaamay in Dowladiisu aanay ka
hareyn tan iyo intii ay cagaheeda ay isku taageyso
Dowladda Soomaaliyeed ayna u fidin doonaan Dalalka
Igad Kaalmo wax ku ool ah..
Mr.Nyaga iyo Badeejo wax ay tilmaameen in Booqashada
Raiisul Wasaaraha ay tahay mid wax weyn ka qaban
doonta sii dhaqaajinta Howlaha lagu xaqiijinaayo
sugida Amniga ee Magaalada Muqdisho waxayna sheegeen
in ay u caddaatay in aanu wax khilaaf ah oo u dhaxeeya
xubnaha labada Gole balse uu jirto Xiriir la'aan lana
sixi karo, waxayna Raiisul Wasaaraha iyo Wasiirada
kale iyo Xubnaha Barlamaanbka ay ku adkeeyeen inay
gacnaha is qabsadaan oo ay xil weyn iska saaraan sidii
loo samata-bixin laha Ummadda Soomaaliyeed.
|