| Waxaa
Qoray: ALI OMAR GHEDI (CALI GARABEY)
Waxaa laga yaabaa in dad badan ayna garan ujeeda mahmahda kor ku qoran . Ceel
Maaxaay waxa uu ku yaallaa meel an u dheereyn magaalada Muqdishu oo ah bannaan
marki laga reebo dadka biyaha ka dhansanayo amba xoolaha ka shubanayo. Sidaas
darteed, waxaan gara karnaa in ratigi ku buuba amba hamanka la durduriyo in usan
qarsoomeeyn. Cid kasta way u jeedaa oo dhulki ayaa iska bannan oo ah deex an geedo
laheeyn. Somaliya marki toban sano ay dowlad la’ayd oo lagu ebtaleeyay cudur,
cabsi,baahi iyo dagaal sukeeye ee joogta ah, ayaa Ismaciil Cumar Gelle oo ah madaxweeynaha
Jibuuti uu gartay in walaalihi Somaliyeed aysan dan u ahayn sida ay ku jiraan.
Halkaas
ay ka dhalatay kana billabatay nabadeeynti Somaliya. Somali oo oday- keenad ah
ayaa lagu kulmiyay magaalada Carta ee ku talla xeebta Jibuuti kadib marki aqoonyahanno
Somaliyeed ay u gogol xaareen fadhiga nabad raadinta ah oo ay Jibuuti gogosha
u fidisay. Aqoonyahannada Sopmaliyeed si an hagari ku jirin ayeey u diyaariyeen
agendihi fadhiga nabad u raadinta Somaliya. Ma qarsoona kaalinta ay ka qaateen
haweenka Somaliyeed taasoo hiilla weeyn u noqotay dalka iyo dadka ku nool gudaha
iyo dibadda waddakeenna. Waxaa la yaab leheeyd hadalki uu madaxweeyne Gelle u
jeeday aqoonyahannada maalintii la furay fadhiga, taas oo dhaqaajisay dhiga cid
kasta oo Somali nabadeeda jecel. Waxaa
kale oo hadal qiira leh u jeedisay aqoonyannada iyo inti la joogtay, gabadha la
yiraahdo Casha Xaji Cilmi taasoo dadki ka ilmeeysiisay. Casha Xaji hadalki ay
tiri ximintiisu waxa ay ahayd “SOMALIYA CIDNA UMA MAQNA , CEELNA UMA QODNA. Hadalkaa
in kastoo horay loo yiri, haddana mowqifka ay gabadho ka sheegtay ayaa ahaa mid
munaasab ku ah in ay sidaa wax u dhahdo. Ujeedadeedu wuxuu ahaa in ay dadka kiciso,
wayna ku guuleeysatay. Affar bilood ayeey qaadatay arinta nabadeeynta Somaliya,
hasa ahaatee miraheedi way soo baxeen ayaga oo bisil. Somaliya dadkeedi waa tashaday,
waxayna goansadeen in ay is cafiyaan, dowlad loo dhanyahay wada dhistaan, dhulkoodana
ay nabad ka dhigtaan ayadoo an cid kale ayna faragelin ku sameeyn. Arrintaa
waxa ay keentay in Somaliya ay yeelato Xeer ku meel gaar ah kadibna beelaha ay
soo doortaan Baarlamaan. Intaa marki la dhameeyay ayaa la isku diyaariyayy in
la doorto madaxweeyne Somaliyeed (30 sano kadib!). Rag badan ayaa is sharaxeen,
hasa yeeshee ninkii mudnaay ayaa ku adkaaday.
Doorashadu wax qarsoon ma aysan ahayn. Dad badan o Somali iyo ajnabi intaba leh
ayaa goob jog ka ahaa. Si cadaaladi ku jirta ayaa Ummadda Somaliyeed u doorayay
ninka magaciisa la yiraahdo Cabdiqaasim Salaad Xassan. Waa nin ka adag shaqada
iyo culeeyska dadka somaliyeed ay dusha ka saareen. Waa nin kartidisa uga faiidenkaro
dalkiisa iyo dadkiisa oo an looga baqeeyn in uu cid ku xad gudbo. In
kastoo Somalida Cabdiqaasim racsan ay ka badantahay 92%, haddana waxaan ognahay
inta yar ee diidan in ay qirsanyihiin in u yahay ninka kaliya ee mudnaa in la
doorto marki loo firiyo dadka la tartamaayey. Kartidiisa iyo geesinnimadiisa ayaa
dadku la yaabeen marki uu ka degay Muqdishu ayada oo an la fileeynin. Wuxuu
mujiyay wadaninnimo, si sharaf lehna waa loo soo dhoweeyay marki u tegay Muqdishu
iyo Baydhabo. Maalmahaan waxa an arkaayey dad qodqodaayo oo Cabdiqaasim u raadinaayo
ceeb usan laheeyn. Marki ay wax ay ka sheegaan wayeen, ayeey naf ka raadsheen
in u ka shaqeeyn jiray dowladdi Maxamed Siyad Barre. Somaliyeey dimbigisu ma intaasba?
Qoraalkaan waxa an ku soo gunaanadaa in Somali ay nasiib badantahay isla markaana
illobi karto wixi dhib la soo maray haddii ay dooratay Cabiqaasim.
Waxaan ognahay in doorashadiisi ay ahayd mid cadaalad hugneeyd, maragna ay ka
ahaayeen inti joogtay Carta iyo inti ka dawaneeysay televion-ka. Marka waxaan
leennahay :RATIGI “MAXAY”KU BUBA MARAGTIISAA BADAN. Taasi waxa ay mujineeysaa
in madaxweeyne Cabiqaasim an lagu dooran si musuq masuq ah.
|