|
Dagaal u
dhaxeeya Soomaalida & Booliska Toronto ayaa Keenay Dhaawac
labada dhinac ah. Dagaalkaas oo Bilawday Abaarihii 9:30PM
Toronto, ayaa ka bilawday ka dib markii ay yimaadeen Seddex
nin oo ka mid ah Booliska 12 division, loona yaqaan Dharcad
goob Soomaalidu isugu tagto Habeenkii.
Booliskan oo Soomaalidu horey u tiqiin, ayaa keenay in markii
ay yimaadeen ay halkaa ka bilaabeen Hanjabaad.
Cabdi
Xaashi (Taargo) oo taagnaa irida laga galo goobta Soomaalidu
ku jirtey ayey markiiba is qabteen, Dagaal ayaana dhex maray
iyaga iyo Taargo, Soomaalidii Ku jirtey Gudaha ayaa markiiba
ku soo baxday dagaalkii, Halkii ayuuna dagaalku ka sii weynaaday
oo Seddexdii Booliska uu ka soo gaaray Dhaawac xun, sidoo
kale qaar ka mid ah Soomaalida ayaa iyaguna dhaawac halkaa
ka soo gaaray.
Baabuurkii
Booliskana halkaas ayaa lagu Jajabiyey.
Markaa
ka dib ayaa waxaa soo gaaray Ciidamo aad u badan oo Boolis
ah oo ka socday 12 division , kuwaas oo isku dayey inay Xirxiraan
Soomaali badan oo halkaa Joogtey balse waxaa ka dhacday in
la ismari waayey, ugu dambeyntii Waxey Xireen Afar Soomaali
ah oo uu ku jiro Taargo oo isagu si aad ah u dhaawacmay.
Iska hor imaadkaas oo socday ku dhawaad labo saacadood ayaan
aheyn kii ugu horeeyey ee dhex mara Soomaalida & Booliska
oo iyagu caadeystey inay Isbaaro u dhigtaan Soomaalida.iyaga
oo markaa isticmaalaya awooda Booliska 12 division.
Mahad Yusuf (Afweyne) oo madax ka ah mid ka mid ah ururada
Soomaalida ee ka jira Toronto iyo qaar ka mid hogaamiyayaasga
bulshada Somaaliyeed ee Toronto ku nool ayaa ka qeyb galay
wada hadalkii dhexmaray Hogaamiyayaasha Soomaalida & madaxda
Saldhiggii (12 division) , halkaasna waxaa lagu guuleystey
in Isbitaal loo qaado Taargo oo dhaawiciisu xumaa.
Booliiska ( 12 division) ayaa u sheegay qaar ka mid hogaamishaasha
bulshada iyo qalabka warbaahinta in ay goobaayeen daroogada
la yiraahdo (khaat) oo mamnuuc ka ah wadanka Canada laakiin
aad looga isticmaalo wadamada bariga Afrika.
Detective
Wayne Pates oo ka mid ah booliiska (12 division) ayaa sheegay
in ka badan 50 Somali ah ayay soo weerareen ka dib markay
isku dayeen in ay qabtaan nin ay ku tuhmeen in uu khaat gacanta
ku haystay.
Ka bibna
ay garaac iyo cay isku dareen , halkaas oo uu dhaawac ka soo
gaaray qaar ka mid ah booliskii .
Waxaase
qaar ka mid ah Somalidii halkaas joogtay ay sheegeen in dagaalku
ay bilaabeen boliska oo xitaa ay si xun u dileen dad aan waxba
galabsan iyo qaar rabay in ay u sheegeen nin cudur xun qabay
oo ay si xun u garba duubeen.
Ilaa maanta
la ma hubo xaalku meesha uu ku dambeeyay, laakiin mar aan
telefoon kula hadalay Mahad Yusuf oo ka mid hogaamisyayaasha
bulshada ee halkaas tagay ayaa ii sheegay in boliska ay balan
qaadeen in la sii daayo (bail hearing) dadkii halkaas lagu
xirriray , lana qaban doono balan kale oo maxkamadeed.
|