Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee DKMG Dahir Maxamed Sheekh
nuur (Dahir Dayax) iyo wafdi uu hogaaminayo oo indhoweydba
booqasho shaqo ah ku marayey nawaaxiga Washington,DC ee
waddankan Mareykanka ayaa maraya usbuucii ugu danbeysay
ee booqashadiisa.
Safarka
Wasiirka wuxuu ku saleysnaa martiqaad uu ka helay qaar ka
mid ah baarlamaanka mareykanka, sidii loo soo celin lahaa
xiriirkii ka dhaxeyn jiray labada wadan(Soomaaliya iyo Mareykanka),
inuu la kulmo shirkado maalgeliyo wadanka si dadka tabaaleysan
ay shaqo u helaan, iyo maadaama wadamada mareykanka iyo
kanada ay yihiin wadamada ay soomaalida aadka ugu badan
yihiin inuu maskaxdooda wanaagsan ku soo celiyo dhulkoodii
hooyo.
Waxyaabihii
illaa haatan uu ku guuleysatey oo kooban waa sidatan: Wasiirka
wuxuu la kulmay jaaliyadda soomaaliyeed ee degan nawaaxiga
Washington,DC, kuwaasoo isugu jiray culumaa,udiin, odayaal
dhaqameed, haween, dhalinyaro,iyo dhammaan waxgaradka jaaliyadda,
wuxuuna uga tacsiyadeeyay dhibaatooyinkii jaaliyadda ku
soo maray dagaaladii sokeeyay kana codsaday in leys cafiyo.
Wasiirka isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu warbixin faahfaahsan
ka siiyay jaaliyadda sabarkii iyo dhibaatadii loo soo maray
shirkii carta iyo sidoo loo soo dhisay DKMG.
Wasiirka
isagoo ka jawaabayey suaal aheyd barnaamijka DKMG wuxuu
yiri inay dowladda barnaamijkeeda uu ku salysan yahay dibuheshiisiin
iyo in ammaanka la sugo haba ugu horeysee dibuheshiisiinta
isagoo tusaale usoo qaatay qaar ka mid ahaa mucaaradka DKMG
oo haatan ku biiray Dowladda sida Dr Xuseen Xaaji Bood ,
Maxamed Qanyare Afraxiyo qaar kale oo mucaarado ahaa, qaar
kale oo waaweyna ay wadahadaladooda socdaan. Wasiirka wuxuu
u sheegay dadweynihii halkaa isugu yimid inay yihiin maskaxdii
waddanka ka maqneyd kana codsaday inay dib ugu soo celiyaan.
Waxaa
sheegid mudan in qaar badan oo ka mid ahaa dadweynihii halkaa
yimid oo runahaantii feker qalad ah ka qabay ay aad ugu
riyaaqeen warbixintii wasiirka. Wasiirka wuxuu martiqaadyo
badan ka helay gobolada mareykanka iyo kanada waana uu ka
cudur daartay shaqooyinkiisa oo aad u badnaa aawadeed,wuxuuse
dhowr teleconference sida Atlanta, GA..Minneapolis,MN..Toronto,Canada..iyo
kuwo kale, waxayna halkaa dadweynihii isku dhaafsadeen fekerkooda
ballan qaadeena inay DKMG hiil iyo hooba ku taageeri doonaan,
waana ay ugu duceeyeen in ilaahey isaga iyo dowladaba u
fududeeyo xilkaa adag oo ay dadweynaha u hayaan.
Wasiirka
wuxuu la kulmay laba mar sarkaalo sare(deputy and regional
directors and Somali desk) ee xafiiska arrimaha dibadda
ee mareykanka wuxuuna uga warbixiyay xaaladda waddanka iyo
barnaamijka DKMG iyo waxyaabaha ay qabatey iyo carqaladaha
hor taagan,una fidiyey martiqaad ay ku yimaadaan soomaaliya,
sarkaaladaas waa ay ka aqbaleen martiqaadkaas waxayna wasiirka
u sheegeen inay aad ula shaqeyn doonaan DKMG ah ayna aad
ugu riyaaqeen shaqadii ay soo qabteen kana caawin doonaan
meelo badan, kuna jiraan hawsha aqoonsiga DKMG ah, rajeynayaana
in goor aan dheereyn lagu dhawaaqi doono oo xiriirkii labada
wadan uu dib u furmi doono.
Wasiirka
wuxuu kaloo la kulmay safarkiisan qaar ka tirsan baarlamaanka
Mareykanka ,kuwaasoo ah kuwa casuumaadiisa uu ku yimid safarkan
u direy mahadcelin ka dib wuxuu uga warbixiyey xaaladda
dalka guud ahaan iyo barnaamijka DKMG iyo waxyabihii ay
soo qabatay, una fidiyey martiqaad ay ku yimaadaan soomaaliya
waana ay ka aqbaleen una sheegeen inay iman doonaan soomaaliya
goor dhow, ballanqaadeena in arrinta soomaaliya laga dhageysan
doono(hearing) baarlamaanka mareykanka waxyaabo badana la
qaban doonaan DKMG ah.
Wasiirka
mudane Dahir Dayax wuxuu kaloo la kulmay masuuliyiin ka
socday ururada qaabilsan horumarinta Dimoqraadiyada Adduunka
ugana warbixiyey barnaamijka DKMG ah oo ku salaysan Dimoqraadiyadda
kana codsaday tababaro kala duwan oo gudaha iyo dibadda
ah kaasoo ku saabsanaan doono sidii loo tababari lahaa Baarlamaanka
DKMG ah iyo xagga doorashooyinka waxay masuuliyaantaa iyaga
ah ay u sheegeen wasiirka inay gacan weyn ka geysan arrintaa.
Wasiirka
waxa kale uu la kulmay shirkado waaweyn iyo heyadda ganacsayaasha
oo aad magac ugu leh waddankan mareykanka daneynaayeyna
in ay maalgeliyaan soomaaliya ayaa qaarkood ka codsadeen
in wasiirka uu ka ogolaado inay soo booqdaan wadanka si
ay ula shiraan qaar ka mid ah ganacsatada soomaaliyeed,
Wasiirka waa uu ka aqbalay codsigoodaas una sheegay inuu
u sii diyaarin doono ganacsatada ay la kulmi doonaan.
Wasiirku
wuxuu kaloo booqday xarumaha ciidamada booliiska ee nawaaxiga
Washington,DC halkaasoo uu kula kulmay hogaamiyayaashii
ciidamada kana dhegeystay warbixino ku saabsan sida ciidanka
booliska u shaqeeyo. Mahadcelin ka dambow Wasiirku wuxuu
ka codsaday inay ka caawiyaan labiska ciidamada iyo tababarada.
Wasiirka oo booqashadiisa soo gebagebeyn doono 14-ka bishan
dib ayaan idinkala socodsiin doonaa shaqooyinkiisa iyo kulamadiisa
u harsan. Qore:
Yusuf
Samater & Mohammed Maye of (SATEC, Inc)