[an error occurred while processing this directive]


Main Page
Banadir Star NEW!
Latest News
Somali Radio


Mogadishu Links
Somalia (60 - 69)
Somalia-Study
Somali Links
Public Forum
Chat Room

Topic of the week
Djibouti Conference


Search BBC News

 


 


WAREYSI LALA YEESHAY DUQA MAGAALADA MUQDISHO

 

Cabdullahi Muse “Muqdisho oo ah caasimadda ummada waxay ahayd meeshii ay taallay hanitida umaadda…”

Wakiilka wargeyska Somali Press ee Muqdisho Aweys Xuseen Xasan (Aweys Shiino) ayaa waraysi kula yeeshay xafiiskiisa duqa magaalada Muqdisho Md. C/llaahi Muuse Xuseen.

C/llaahi Muuse ma aha nin ku cusub maamulka, gaar ahaan dawladda Hoose ee Xamar.Wuxuu ka soo shaqeeyay xafiisyo kala duwan,isaga oo soo qabtay xilal kala gedisan. Cabdullahi Muuse wuxuu ahaan jiray inta badan hanti-dhowre, wuxuuna noqday madaxa waaxda dowladda dhexe ee baarista gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho Cabdullahi Muuse Xuseen waxaa kale oo uu ahaa madaxa baarista safaaradaha Soomaaliya ay adduunka ku lahayd,  wuxuuna qaaday dhowr dacwo oo u dhaxeeyay dalka Soomaaliya iyo dalal kale iyo dacwooyin u dhaxeeyay shirkado caalami ah iyo Soomaaliya.

Cabduulaahi Muse Xuseen waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho 1953-kii, waxaana uu waxbarashadiisa ilaa heer jaamacadeed ku qaatay magaalada uu duqa u noqday maalin ay maciin iyo madax u daacad ah u baahan tahay. Muqdisho, Caasimadda Somaliya, waxaa soo maray duqow kala duwanoo ay ka mid ahaayeen: Cumar Istarliin, Axmed Muude, Xasan Abshir, Cali Ugaas iyo Axmed Jilicow oo ugu danbeeyey.

Laakiin Cabdullahi Muuse waxaa uu kaga duwan yahay xilliga iyo xilka oo uusan qofna kala wareegine dhulka ka soo qabtay.

Haddaba Wareysiga aannu la yeelannay Cabdullahi Muuse Xuseen, duqa magalada Muqdisho waxaa uu u dhacay sidan:

S.Press: Waa maxay xilka duq magaalo?

Duqa magaalada: (Magaca Ilaahey) howsha uu qabanayo duqa magaalada waxay ku cadahay shuruucda ay ku dhisan tahay dowladda hoose, taas oo ah maamul (Local Government). Haddii aan sii kala qaad qaadnana ujeedada iyo howlaha dowladda hoose ee isaga uu madaxa ka yahay, waxay qabataa ujeedooyinka iyo xilalka soo socda: Daryeelka caafimaadka guud, gaar ahaan nadaafadda magaalooyinka iyo ka hortagga cudurada faafa. Kormeerka dhismooyinka cusub, kuwa la cusbooneysiinayo iyo kuwa u baahan in la dumiyo. Ka hortagga dhibaatada abaaraha, duufaanta, fatahyada, dabka halista ah iyo dhibaato kasta oo wax u dhimi karta bulshada. Daadgureynta dadweynaha haddii dhibaatooyin ku yimaadaan. Diyaarinta iyo fulinta mashaariicda ama barnaamijyada lagu hormarinayo bulshada xag caafimaad, dhaqaale iyo bulsho. Kordhinta tacabta waxsoosaarka iyo abuurida ilo dhaqaale.

Dhismo Dugsiyada asaasiga ah iyo kuwa qur’aanka iyo maamulkooda. Dhismo xarumaha xanaanada Hooyada, dhallaanka iyo maamulkooda (MCH). Dhismo ama horumarinta fanka iyo Isboortiga. Dhismo goob biyoodyada magaalooyinka iyo hareeraha magaalada. Dhismo iyo horumarinta howlaha ileyska ama korontada magaalada. Sameynta iyo dayactirka wadooyinka dhex mara magaalada ama degmada ama caasimada. Bilicsamida degmooyinka iyo hareerahooda iyo dejinta naqshadda degsiimada magaalooyinka degmada ka kooban tahay. Diiwaan-gelinta dadweynaha degmada iyo xafidaada diiwaanada, dhalashada, dhimashada, guurka, furriinka IWM.

Diiwaan gelinta hantida ma guurtada ah ee dadweynaha ku nool magaalooyinka. Habeynta iyo ilaalinta maritaanka wadooyinka dhex mara magaalooyinka degmada. Habeynta ganacsiga loogu daneynayo dadweynaha. Maamulida iyo kormeerka la xiriira horumarinta magaalada wixii ku hareereysan. Maamulida mashaariicda lagu fulinayo iskaa wax u qabso. Habeynta howlaha duugista. Dowladda hoose waxay kaloo qaban kartaa howlaha soo socda: Daryeelka xoolaha iyo Ugaadha. Ka hortagga nabaadguurka. Horumarinta dhirta magaalada gudaheeda ah. Ka faa’iideysiga nacfiga dhirta iyo kalluunka, dhismo guryo loogu tala galay dadweynaha degmada iwm. Abaabulka iyo habeynta gaadiidka dadweynaha loogu qaado magaalooyinka dhexdooda. Asaasida howlaha war gelinta degmada. Howl kasta oo loogu daneynayo dadweynaha xag bulsho ama xag dhaqaale oo magaalada xageeda ah.

S.P: Tan iyo intii laydiin magacaabay maamulka magaalada maxaa howl ah oo aad qabateen?

Duqa magaalada: Mudada aan magacaaban nahay waa afartameeyo cisho oo aan weli dhamaan, haddii si loo tiriyo waa muddo ballaaran oo waxqabad qofka laga maleyn karo, laakiin waxaa ayaan darro ah halka naloo magacaabay. Halkee naloo magaacay yaa isweydiin? Dowladdii naga horeysay, duqii magaalada ee nooga horeeyay Xamar iyo aniga waxaa noo dhaxeysay toban sano oo aan dowlad jirin,  toban sano oo lagu baabi’iyay habkii dowladdii jirtay oo hantideedii iyo maamulkeedii uu ku baaba’ay. waxaa kale oo ku baaba’ay shaqaalihii oo xoogoodii shaqeynayay ayaa baaba’ay, Waxaa baaba’ay nidaamkii lagu shaqeynayay. Wax kastaa baaba’ay. Intaa waxaa dheer shaqadii la rabay in dowladaas ay qabato toban sano inaysan qaban, marka shaqadii oo is kor saranna way taallaa oo dhibaatadeedii ayaa taala.

Haddii aan ka soo qaadno xagga nadaafadda, xagga caafimaadka, xagga kormeerada, xaga bilicsamida wixii dadkaan abuuray toban sano oo kharibaad ah ayaa taala. Haddii aan tusaale kale kaa siiyo howsha duqa magaalada waxaa qabta hay’adda dowladda hoose, hay’addaas oo uu madax u yahay isaga.Hasa yeeshee hay’addaas dowladda Hoose hal qof oo maanta ka joogaa ma jiro. Hay’addii oo dhan baa baaba’day.Haddaba waxqabad waxaa ka horeeya inaan dhisno maamulkii iyo xooggii wax qaban  lahaa. Marka hore waa in: Shaqaalihii la  soo ururinno,la habeeyo, wixii dhintay (Ahn) iyo wixii  ka maqana la soo buuxiyo, madaxdiina la dhameystiro.

Waayo hadda meesha kaligey aan ka magacaabanahay waa qof bani’aadam ah oo madaxii kaliya ka taagan oo jirkii oo dhan maqan yahay, haddii la fiiriyo dowladda saas ayaan ka nahay. Dowladda hoose hadda madaxa kaliya istaagan  ma shaqeyn karto, nolol ma heli karto, marka dhameystirkii ilaa cidada ugu hooseysa ee far yarida marka la dhameystiro ayaa waxqabad su’aashiisa imaan kartaa balse hadda waxaan ku jirnaa sidii loo dhameystiri lahaa orgaanikadii (iskuxerka) hay’adda.

S.Press: Ilaa iyo haatan maxaa qorshe istiraatijo howleed ah oo aad degsateen adinkoo ka duulaya xaalada adag ee uu dalku marayo?

Duqa magaalada: Istiraatiijiyada ama qorshaha ugu horreeya waxaa waaye in la helo xoogii ka shaqeyn lahaa dowladda hoose, tallaabada ugu horeysa ee aan qaadeyno waa in xoogii la helo, kadibna la sameeyo oo Agaasimayaashii. Markaas kadib ayaaa loo imanayaa istatejiyo amd hannaan. Waayo  istiraatiijiyadii dadkii sameyn lahaa ayaaba maqanba. Meeshaa ayay ka soo baxeysaa istiraatiijiyada, waxa kaliya oo aan sameyn karno waxa waaye inaan haatan abaabulno dib u dhiska hay’adda tallaabadaas ayaa noogu horeysa waxayna ku dhamaaneysaa muddo gaaban.

S.Press: Intii aad ku jirteen kormeerada iyo howlaha kale ee waxqabad wax carqalad ah ee idinka hor istaagay shaqadiina ma aragteen?

Duqa magaalada: Magaalada Muqdisho waa magaalo soo martay toban sano oo colaad ah oo haddana colaadeedu tahay colaad sokeeye waxayna la qeybsaneysaa colaadaha sokeeye ee ka jira gobolada Soomaaliya intooda kale. Ilaahey mahadii arrintaas waxaa looga gudbay dib u heshiisiintii ugu dambeysay oo uu noo qabanqaabiyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle taasoo lagu qabtay Carta. Guusha ugu weyn ee laga gaaray shirkaas waxay tahay nabadeyn Soomaaliyeed, taasoo dhalisay in leysku cafiyay wixii dhibaato horay u jiray waxaana ka dhalatay dowlad Baarlamaankeedii ka soo asaasmay Madaxweynihiina lagu soo doortay  carta, kaddibn uu magacaabay madaxweynahaas  Prime Minister, oo isagana soo magacaabay dowladdii, taasoo hadda  diyaar u ah inay howl qabato. Dhibaatooyinkaas dhacay, dhaqaale xumo, shaqaale la’aan  ayaan haddan aniga qof ahaan ayaan ku hawlanahay sidii dawladda hoose mar kale ay lugaheeda isugu taagi lahayd loona dhameystiri lahaa hawlaheed.

Tan kale waxaa dadweynaha u gudbiyey talo ahaan waxa ay kaligood sii qabsana karaan inta laga abuurayo hay’adihii adeegyada daruuriga ah sameyn lahaa, sida nadaafadda oo aad og tahay heerka ay joogto iyo caafimaadka oo la xiriira, iyo nabadgelyada oo lagama maarmaan ah. Waxaan muujinnay dadaal laga wada warqabo horaba waxaan ku dhaqaaqnay in nadaafadda wax laga qabto. Waaayo waxaana sameynay usbuuc la yiraahdo usbuuca wacyi gelinta iyo nadaafadda waana ku guuleysanay. Kaasoo aan u kala qaadnay laba waji.

Wajiga hore wacyi gelin, kaasoo socday muddo toddobaad ah iyadoo dadweynaha lagu baraarujinayo sidii ay nadaafadooda u dhowrsan lahaayeen. Wajiga labaad oo ahaa wax ka qabashada qashinka, dadweynaha markii la wacyigeliyay waxay u soo diyaar garoobeen intii ay ka helayaan hay’adihii shaqeyn lahaa ee nadaafadda wax ka qaban lahaa inay iyaga iskood ay isku soo abaabulaan xaafad xaafad ama koox koox. Arrintaas waxaa si wacan hawlgal macno leh uga sameeyey gabdhaha G/Banaadir oo  qeybo qashinka  ku badnaa wax ka qabteen sida wadada weyn ee hor marta Dugsiga 21-ka Oktoobar iyo qashinkii yiil Degmada Waaberi, Afisyooni agagaarihiisa ilaa dugsiga Boliiska.

Haddana Terebuunka ayuu ka socdaa.Abaabulkana  waxaa wada dadweynaha degen gobolka Banaadir iyagoo xaafad xaafad isu soo abaabulayo sameynayana wax kasta. Annagana waxay siinnaa talada  iyo tilmaanta, howl kasta oo ay qabanayaana waa nagu martiqaadaan waana u furnaa annagoo ku faraxsan, islamarkaana waxay nagu sharfaan marka hashu dhammato in aan xerno. Intaas waxay ahayd masawirka xaalka guud aan u soo noqdo Su’aashii ahayd wax carqalad ah ee idin hortaagan ma aragteen, ilaa haatan intaan howsha wadnay Idaacadaha waad ka maqashaan, TV-yadana waad ka daawataan maalin kasta goobta howshu ka socoto waa laga soo sawiraa waana dhex taaganahay wax shaqada iska kaaya hortaagayna ilaa hadda ma arkin. Maantaana iigu dambeysay waxaa la igu sharfay oo aan soo xiray mashruuc saddex beri socday oo loga nadiifinayay qashinka Tarabuunka hareerihiisa oo ay ka qeyb qaadanayeen mahadi ha ka gaartee gabdhaha Soomaaliyeed oo la magac baxay nabadeynta iyo daryeelka nadaafadda.

S.Press: Muqdisho waxaa ku sugan kooxo mucaarad ah oo diidan jiritaanka dowladda KMG ah, madaama aad adigu duqii magaalada Muqdisho tahay maxaa qorshe ah oo aad ugu tala gashay kooxahaas?

Duqa magaalada: Waa jirtaa in barnaamij kasta oo la sameeyo qof si kale u aragto ayna isku daydo inay hor istaagto, heshiisiinta lagu soo sameeyay Carta ee Soomaaliya ay ku soo dhisatay dowladda inay shaqsiyaad iyo madax kooxeedyo arrinta si kale u arkeen hadalana ka soo saaraan tilmaana ka bixiyaan kuna cadeeyaan inay arrintaas si kale u arkaan inay iyaga xagooda wax ka dhiman yihiin.

Qaarkood waxay ku nool yihiin magaalada Muqdisho waana shaqsiyaad caan ah oo la yaqaan, afkaartoodana waa soo gudbiyeen in hannaanka loo sameeyay wax ka qabaan. Laakiin mabda’a guud ee shirka Carta ee heshiisiinta Soomaaliya ayaa wuxuu ahaa in Soomaaliya oo dhan ay is cafiso dib u heshiisiina lagu wado.

Laba kasta oo wax kala tabaneysana lagu dhameeyo inay heshiiyaan haddii Soomaali inteedii badneyd gobolada isaga timid, suldaanadii, duubabkii iyo malaaqyadii, cuqaashii iyo waxgaradkii haddii ay ku soo guuleysteen iyagoo 2500 gaaraya oo qaaradaha oo dhan ka yimid inay is cafiyaan dib u heshiisiina ay sameystaan dowladna ay soo dhisteen mabdi’I ay ku guuleysteena wuxuu ahaa in la wadahadlo, maslaxad wax lagu dhameeyo iyadoo barnaamijka guud ee dowladda uu ku saleysan yahay qaabkii loogu soo heshiiyay  Carta.

Hadda iyo dan cid kasta oo arrintaas la socon waxaa diyaar loola yahay in lala galo wadahadal si leysugu soo dhowaado taana waxaa wehliya qof ahaan inkasta oo ay howshu heer Qaran ay tahay, hadana qof ahaan diyaar ayaan u ahay inaan wax ka geysto sidii la isugu soo dhoweyn lahaa, balse hadda guddiyo la saaray ayaa jira howshana wada, anigu ma gacmo laabni wax badan oo aan wado way jiraan balse markii ay munaasib tahay ayaan soo shaac bixin doonaa wixii aan ka qabtay arrintaas.

S.Press: Waxaad ii sheegtay in dowladii hoose gebi ahaan burburtay, markaa maxaa miisaaniyad ah oo ilaa haatan aad u codsateen?

Duqa magaalada: Horta ummad kasta inay isku kalsoonaato ayaa waajib ah Ilaaheyna ku kalsoonaato, qof markii uu dhashayna lama dhihin qof kale ayaa irsaaqadaada haya. Waxaa la yiri Ilaah ayaa irsaaqadaada haya, Soomaaliya way jirtay wayna jiri doontaa, dowladeeduna way jirtay wayna jiri doontaa, meel intaan ka liidata ayaan ka soo bilownay, haddii aan tusaale u soo qaadano markii la sameynayay gobanimadoonka, xisbigii SYL ee gumeysiga la dirirayay wax ummada ay heysatay ma jirin waxaa laga bilaabay qaaraamaad yar yar oo laga ururiyay shacbiga. Waxaana u horreeyey gabdhaha Soomaaliyeed oo wax gartay oo dahabkoodii ku bilaabay, hadana ummadda Soomaaliyeed mar haddey is cafisay oo ay heshiisay dowladna ay dhisatay kheyraadkeeda waa badan yahay xoolo nool way leeyihiin, beero way leeyihiin dhulkoodaa barwaaqo ah, badii baa camiran, kalluun bay leeyihiin, dhul loo soo dalxiis tegi karo ama hawo la mari karo iyo waxyaabo kale oo badan ayay leeyihiin.

Waxaa intaas kuu dheer hanti badanna dibaddey kaga maqan tahay oo dowladii hore ka tagtay. intaas waxaa kuu raaca shacabka ayaa ladan wax walba heysta ee dowladda waxay u baahan tahay miisaaniyad, miisaaniyaduna wax kooban waaye mana ka bilaabeyno in dadka waxyaabo sar sare oo waaweyn loo raadiyo. Waxaan ka bilaabeynaa kursigii aan xafiiska ku tegi lahayn inaan guryaheena ka qaadano goobihii aan geli lahayna inaan Teendhooyin ka bilowno, in xafiisyo aan kireysano, in Taksiyo aan ku socono, arrimahaas waxay na gaarsiinayaan inaan iskaa wax u qabso oo ah waxa dunida looga yaqaanno Volunteer ku shaqeyno oo aan bil, laba , iyo  saddex  inaan mushaar la’aan ku  shaqeysano, intaas intaan wadno waxaa inoo bilaabanaya dakhligii Ummadda oo ahaa waajibaadkii dadweynaha saarnaa, in qaaraamadii ay bixiyaan.

Dowladda inta badan waxay isku haleysaa dakhliga gudaheeda, haddii dakhliga gudaheena ah aan bilaabano waxaa noo suuragelaya in baahidii umaddeena aan wax uga qabano wixii ay iyaga noo dhiibteen oo ah dakhligii, taana waxaa weeye baahideena inan ku jaan goyno wixii aan awoodi karno. Waxaa kuu soo hartay miisaaniyad dibadda ah dadweynuhu waa is kaalmeeyaa.

Dhinaca kaalamda caalamka mashaariic horumarineed ayaa la diyaarin karaa ururro badan ayaan ku jirnaa oo wax kaalmeyn kara oo horay macaamil nooga dhaxeeyay sida ururka ACP oo ah African, Crebean iyo Pacific iyo kuwo kale.Tobankii sano dakhli noo ururay ayaa jira taasina waxaan rajeyneynaa in goor dhow wax ka soo bixi doonaan, sidoo kale waxaa jira UN-ka iyo kuwo kale oo wax ka qaban kara baahida Ummadda Soomaaliyeed.

S.Press: Ugu dambeyntii Ummadda Soomaaliyeed maxaad ugu baaqeysaa meel kasta oo ay joogto, gaar ahaan bulshada Muqdisho ku nool?

Duqa magaalada: Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto waxaan ugu baaqayaa nabadgelyada inay ka shaqeeyaan, dadweynaha waxaan ugu baaqayaa in gefkii dhacayna laga istiqfaarto, Ilaahey dib loogu noqdo, Alle la tuugo in qaladkaas oo kale mar dambe dib noogu dhicin calooshana aan isu sifeyno oo aan isa saxno, kii qaxayna dib ugu soo noqdo wadanka, kan joogana inuu kan dibadda jira u yeero.

Dadka ku nool caasimada Muqdisho waxaan ugu baaqayaa iyaguna in meesha laga cararay ee ugu badan ay Xamar tahay hantida Soomaalida halka ay tiilayna ay ahayd, sidaas darteedna ay ummadda dibadda uga baxday ay gacmo furan ugu soo dhoweeyaan, heshiisiintana sidii loo soo qaatay u fuliyaan walaalahoodna gacmo furan ku soo dhoweeyaan.

 





Main Page | Latest News | Reuters News | A. Press News| Washington Post |Contact Us

Copyright © 1999 banadir.com  All Rights Reserved

 



Previous News

Sept. News

August News
July News
June News
May News
April News
March News
February News
January News