Web Hosting
Main Page
Latest News
BBC Somali 1800

BBC Somali 1600

Topic of the week
Mogadishu Links
Somalia (60 - 69)
Somalia-Study
Somali Links
Chat Room

Djibouti Conference



M.M.Afrah's Books
  

0rder M. M. Afrah's book
THE SOMALI TRAGEDY
THE GANG RAPE OF A NATION. Mr. Afrah is a skillful writer and innovative storyteller. CLICK HERE FOR THE REVIEWS AND HOW TO ORDER THE BOOK.


Search BBC News

 


Previous News

Sep-Oct 2004 News
Aug 2004 News
July 2004 News
June 2004 News
May 2004 News
April 2004 News
Mar. 2004 News
Feb. 2004 News
Jan. 2004 News
Dec. 2003 News
Nov. 2003 News
Oct. 2003 News
Oct. 2003 News
Sep. 2003 News
Aug. 2003 News
July 2003 News
June 2003 News
May 2003 News
April 2003 News
March 2003 News
Feb 2003 News
Jan 2003 News
Dec 2002 News
Nov 2002 News
Oct 2002 News
Sep 2002 News
July 2002 News
May 2002 News
April 2002 News
March 2002 News
Feb. 2002 News
Jan 2002 News
Dec 2001 News
Nov 2001 News
Oct 2001 News
Sep 2001 News
Aug 2001 News
June 2001 News
July 2001 News
May 2001 News
April 2001 News
March 2001 News
Feb. 2001 News
Jan. 2001 News
Dec. News
Nov. News
Oct. News
Sept. News
August News
July News
June News
May News
April News
March News
February News
January News


FURITAANKA MASAAJIDKA WARJIROW

 

Warjirow,15ka June 2018
By Banadir.com

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Deegaanka Warjirow oo ka tirsan Degmada Balcad maanta oo Jimca ah, taariikhduna ku beegnayd 15ka June 2018, ayaa lagu daahfuray Mashruuca Furitaanka Masaajidka Warjirow.

Masaajidka Warjirow oo ay dhismihiisa hirgalisay Hooyo Xaajiyo Gacalo Cali Saalax waa mid loogu talagalay inuu ka hagab tiro dadka deegaanka baahida ay u-qabaan gudashada iyo hanuunka cibaadada Allaha Subxaanahu Wa Tacaala, gaar ahaana oogida shanta salaad ee Eebbe ku waajibay ummaddiisa,barashada diinta Islaamka, sunnadda Nabiga & Quraanka Kariimka, iyadoo loogu talagalay inay ku tukan karaan rag iyo dumarba. Wuxuuna leeyahay maraafiiqda aas-aasiga ee masaajidyada looga baahan yahay sida xamaamyada iyo qaybaha weysa-qaadka oo u-kala qaybsan ragga iyo dumarka, nalalka ku shaqeeya dabka quwadda cad-ceeda,iwl.

Masaajidkan oo cabbirkiisu yahay 20 M X 15 M kuna dhisan dhagax & Bulukeeti, waxaa furitaankiisa oo lagu beegay munaasabada farxada Ciidda Fidriga ah sanadkan 2018 ka soo qaybgalay dhamaan dadweynaha deegaanka, waxaana furitaankiisa khudbad qaaya leh iyo muxaadaro waano iyo wacyi-gelin ah ka soo jeediyay Sheikh Xasan Macallim Cumar Cusmaan ( Koofi) , isagoo dadka ku booriyay Alla-ka-cabsi iyo adkeynta cibaadada Alle, ku-xirnaanshaha Masaajidka iyo inay daryeelaan oo dhowraan masjidka loo dhisay.

Sidoo kale waxaa isna gunaanadka barnaamijka furitaanka masaajidka ka hadlay Aw Xasan Cali Maxamed oo uga mahadceliyay Allaha weyn nimcadiisa farabadan ee uu ku manneystay deegaanka Warjirow iyo intii ka qayb gashay dhismaha mashruucan oo ay ugu horreyso Xaajiyo Gacalo Cali Saalax in Eebbe ka ajar siiyo. Waxaa kaloo goob joog ka ahaa munaasabada furitaanka Masaajidka Nabadoon Nuur Cali Maxamed ,odayaasha dhaqanka iyo dadweynaha deegaanka siday u-dhan yihiin.

Waxaa xusid mudan in Deegaanka Warjirow oo iminka laga dhisay dhismaha masaajidkan , in hore looga hirgaliyay :
1) Dhismaha Dugsiga Waxbarashada Hoose/Dhexe -Sare ee Warjirow,
2) Xaruunta Xanaanada Hooyada iyo Dhalaanka (MCH) ee Warjirow iyo
4) Mashruuca Qodista ceelka Biyaha oo laga taaba geliyay isla deegaankaas
, iyadoo mashaariicdaas horumarineed fulintooda iyo la socodkooda ay hore uga hirgaliyeen ayagoo ku mahadsan Marwo Liin Xasan Maxamed , Qunsul Xuseen M. Ulus, Yuusuf Xasan, Dr. Abdullahi Maxamuud, Maxamed Faarax Maxamuud , Xasan Maxamuud iyo in Allaale intii kale ee ka gacan geysatay hirgalintooda.


Hosted and Developed By The Web Technology

Main Page | Latest News | Reuters News | A. Press News| Washington Post |Contact Us

Copyright 1999 banadir.com  All Rights Reserved

 


The Centre for Research & Dialogue (CRD)
-->