Maxkamadii Islaamiga Ee Waqooyiga Muqdisho Sanadii 1996-Dii Yaa Usabab Ahaa Duminteeda?

Waxaa qoray Mohamed Abdulle Hassan (Siidi)
Nairobi-Kenya

Taariikhdu markay ahayd 8/11/1994-tii ayaa lagu dhawaaqay in la taagay maxkamad Islaami ah oo ka hawl gasha waqooyiga Muqdisho oo gudoomiye looga dhigay Shiikh Cali Shiikh Maxamuud “Shiikh Cali Dheere” oo ku guulaystay in waqooyiga Muqdisho oo markaasi ahayd qeyb ka mid ah qadkii cagaarnaa ee kala qaybisay magaalada Muqdisho inuu ka dhigo meel nabdoon oo kala danbayn ay ka jirto.

Shiikh Cali Dheere ayaa mar qura magaciisa laga maqlay warbaahinta gudaha iyo dibada iyadoo ay dad badan soo dhaweeyeen halka qaarna ay mucaaradayeen inuu yahay nin xag jir ah oo diinta ku ad adag, Shiikha ayaa maxkamada ku xukumi jiray kitaabka Allah waxaana markaasi magaalada Muqdisho kala qaybinayey qad cagaaran oo ay kala hogaaminayey Madaxweynihii manifesto ee waqtigaasi Md. Cali Mahdi Maxamed iyo ninkii markaasi kasoo horjeeday gudoomiyaha USC General Maxamed Faarax Caydiid.

Shiikh Cali Dheere waxaa usuura gashay inuu qaado dacwado ka imaanayey koonfurta Muqdisho oo markaasi xukumayey General Caydiid raalina ay kawada ahaayeen dadkii dacwada loo qaadayey, waxaana goob joog ka ahaa dacwado yaab lahaa oo aan la yaabanaa sida ay wax u dhici doonaan waxaana ka mid ahaa;

In laba gabdhood ay isdagaaleen, dagaal gacan ah ka dib mid baa laga goostay faruurta (bashinta) hoose ka dibna ay soo dacweysay markaa Shiikh Cali Dheere ayaa dacwadii loosoo gudbiyey ka dib markii labada reer ay ku heshiin waayeen dhaawaca gabadha bashinta hoose maqan tahay, Shiikha ayaa dacwadii markuu qaadayey waxa uu su’aal weydiyey gabadha dhibanaha ah, gabadhii baa ugu jawaabtay aniga waxaan ahay gabar lahayd mustaqbal fiican oo qurux ilaah siiyey gabadhaan waxay igu samaysay in ay kala dhantaasho quruxdaydii ana waxaan rabaa in diinta waxay ka qabto layga abaal mariyo.

Sheikh Cali Dheere ayaa soo qaatay aayad quraan ah oo amraysa in ay gabadha wax geysatay in laga dhigo sida gabadhaan ay tahay waxaana lagu xukumay in faruurta hoose iyadana laga gooyo ayna fuliso qofka dhibka loo geystay ka dibna ay labadooda isku mid noqdeen, runtii waa arin muragadeeda leh marka loo fiiriyo tan fiyoow laakin gabadha dhibanaha ah dhibka ku dhacay hadii loo fiiriyo waa inay sinaadaan waxaana ku nabad galaya mid kale oo dhibkaan ku dhici lahaa.

Waxyaalaha mucjisooyinka ah ee Sheekhu xukumay maahan kuwo halkaan lagu soo koobi karo balse shiikha ayaa waxa ay usuura gashay in uu maxkamado kasameeyo dhamaan deegaanada Beesha Mudulood wuxuuna ku guulaystay in mudo laba sanadood ka badan in shacabka reer Mudulood ay ka badbaadaan dil iyo aano qabiil oo laysu dilayey jufo jufo, deegaanada ay ka tiliso maxkadaha Islaamiga ayaa ahayd meel laysku halayn karo oo amaan ah, mana jirin in xitaa lagu waxyeeleeyo dad haystay diin kale sida kuwa ka shaqeeya hay’adaha gar gaarka.

Maxkamadii Islaamka ee Waqooyiga Muqdisho ee uu horkacayey Shiikh Cali Dheere ayaa yeelatay cadaw gudaha iyo dibada ah waxaana dhacday in hogaanka sare ee Mudulood iyo Shiikh Cali Shiikh Maxamuud “Shiikh Cali Dheere” ay isku dhacaan ka dib markii Shiikhu ka hadlay in uu gacanta ku haayo Waqooyiga Muqdisho taasoo ka caraysiisay hogaanka beesha Mudulood.

Durbadiiba markuu Shiikhu ka hadlay arimahaasi ayaa waxaa dhacday in weerar lagu qaado maxkamadii Islaamiga oo fadhigeedu ahaa agagaarka Garoonka Istaadiyo Banaadir taariikhdu markay ahayd dabayaaqadii 1996-dii arimahaani ayaa loo aanaynayaa inay ka danbeeyeen hogaanka sare ee Mudulood mar ay BBC-da ka hadleen ayay ku sheegeen in dagaalada ay u dhaxeeyaan nin ay markaasi ku magacaabeen Cabdulaahi Dhaxan oo ka amar qaadanayey Md. Cali Mahdi Maxamed iyo Maxkamadii Islaamiga ahayd oo uu hogaaminayey Shiikh Cali Dheere, islamarkaana lagaga guulaystay maxkamadii Islaamiga.

Sida aanu lawada socono duulaakii lagu qaaday Maxkamadii Islaamiga waxay sababtay in dhamaan maxkamadihii ka jiray Waqooyiga Muqdisho iyo deegaanada Mudulood ay baaba’aan waxay dhashay in beel beel laysu laayo Shiikhuna uu fariisin ka dhigto degmada Kaaraan oo markaasi beeshiisu ay ku badnayd islamarkaana lagu weeraro halkaasi ugu danbayntiina uu iska difaacay,

Guul darada dowladii manifesto 1991-dii ee ay hogaaminayeen hogaanka sare ee Beesha Mudulood waxay dariishada kasii baxday markii ay baaba’iyeen maxkamadii Islaamiga ee waqooyiga Muqdisho 1996-dii waxaa hal mar kalsoonidii lagala noqday hogaanka sare ee beesha Mudulood oo uu hor kacayey Md. Cali Mahdi oo difaaca sharafkiisa iyo dowladii uu hogaaminayey ay ku naf waayeen in ka badan dhowr milyan oo ruux oo ubadnaa beesha Mudulood iyo soomaalida kale ee lala dhacay madaafiicda iyo hoobiyeyaasha oo noqotay xasuus aan dadka ka lumaynin si loo difaaco midnimada Mudulood oo markaasi hogaanka u hayey Madaxweynihii Manafesto, loona soo qaato tusaale sida Dagaaladaii afarta bilood dagaaladii Habar gadir iyo Mudulood.

Runtii Shiikh Cali Dheere markuu ka hadlay BBC-da uu sheegayay inuu gacanta ku hayo dhamaan waqooyiga Muqdisho iyo deegaanada hoos yimaada kuma uusan fakarin in uu u baahan yahay garab xaga beeshiisa iyo shacabka oo markaasi ay ku jirtay jacaylka loo hayo Qabyaalada taasoo kaliftay in la ilaawo in ay garab u baahan tahay difaaca diinta Alle, dadka waxaa ka tan badiyey Qabyaalada.

Dhanka kale hogaanka sare ee Mudulood hamigooda ay ku fakarayeen inay maxkamadaha baabi’yaan ma usuura gashay inay dhisaan xitaa maamulo dastuuri ah oo iyaga u gaar ah oo dadka ay ku nabad galaan, waxaa marag ma doonto ah in beesha Mudulood ay jufo jufo hoose isu laayaan oo ay ku geeriyoodaan kumaan kun dhamaan meelaha ay degaanada Mudulood ku badan yihiin.

Maxaa ka danbeeyey ma heshay Beesha Mudulood wax ka fiican in kitaabka Alle lagu dhaqo mase heshay nabad ka fiican tii uu kuxukumayey Shiikh Cali Dheere (Kitaabka Alle)? su’aasha Jawaabtaada sida ay kula tahay waxaa lagaaga baahan yahay inaad kusoo bandhigto Qeybta webka ee Ra’yiga dadweynaha.

Si kastaba ha ahaatee waxaa igu kaliftay inaan qoro maqaalkaan in shalay ay ka dhaceen waqooyiga Muqdisho laba banaan bax oo iska soo horjeeda, kee baa saxsan? hadaba aan mid mid ukala qaado;

Banaanbaxa ka dhacay Istaadiyo Banaadir waxaa isugu yimi dad aad utiro badan oo taageerayey qaar ka tirsan ururka la dagaalanka Argagixisada waxaana ka hadlay Xuseen Shiikh Axmed “Kadare”, Muuse Suudi Yalaxow, Bashiir Raage Shiiraar iyo xubno kale waxayna sheegeen in Beesha Mudulood ay samaysanayso Maxkamad Islaami ah oo iyada u gaar ah iyo in beesha Habar gidir ay dagaal kula jirto islamarkaana ay dhul balaarsi ku hayso, erayadaasi waxay ahaayeen erayadii ay ku hadlayeen masuuliyiinta sheeganaya Beesha Mudulood.

Dhanka kale banaanbaxii ka dhacay Fagax ayaa waxaa isugu yimi dadweyne aad utiro badan oo taageerayay maxaakiimta Islaamiga waxaana ka hadlay ugu horeyn Shiikh Cali Maxamuud Shiikh Cali Dheere waxaana erayadiisa ka mid ahaa;

Burburintii maxkada Islaamiga ee sanadii 1996-dii waxaa ka danbeeyey kuwa ku dhawaaqay in hada maxkad Islaami ah ay dhisayaan islamarkaana maanta banaanbax ka sameeyey Koonis Istaadiyam, markii layla dagaalamayey waxaan ogahay ama indhahaygu qabteen oo igu walaahi ah in kitaabkii Alle lagu kaadshay markii ay qabsadeen xaruntii Maxkamada Islaamiga ah ee markaasi aan madaxda ka ahaa markii bur burka loo geystay,

Mar uu ka hadlay Shiikhu dagaaladii kacdoonka Shacabka ee lala dagaalamayey ururka laga guulaystay ee la dagaalanka Argagixisada oo ay hor kacayeen midowga maxaakiimta Islaamiga ayaa waxa uu sheegay inay ku geeriyoodeen tiro ka badan 300 oo ruux kumaan kun ay ku dhaawacmeen maxaa loo arki waayey nin ajnabi ah sida Bakistaan, Suudaan, ama Muslim kale oo ajnabi ah oo ku geeriyooday ama ku dhaawacmay marka ay ku andocoonayaan waxaan soo qabqabanaynaa argagixiso yaqaay halayska daayo waxa mar marsiinyada laga dhiganayo oo ah Somalia arga gaxisaa joogta erayadaasi waxaa yiri sheikh Cali dheere.

Maslaxad idiin ma wadaan dadkaani ku gabanaya Qabiil laga soo tagay ee dulaystay shacabka soomaaliyeed hadaba waxaan idinkula talinayaa aniga hada ka hor anigoo ah gudoomiyahii ugu horeeyey ee maxkada Islaamiga ee waqooyiga Muqdisho garab baan idiinka waayey hadaad garateen in diintu difaac idinka rabto aniga garab ha isiinina ee diinta hala difaaco iyo kitaabka Alle hadii aadan sidaasi yeelinana walaahi bilaahi talaahi waxaa idiin danbayn doonta sida ay noqdeen kuwa hada ka cararay deegaanadooda erayadaasi waxaay ka mid ahaayeen Shiikh Cali dheere erayo uu ka jeediyey banaanbax ka dhacay xaafada Fagax ee magaalada Muqdisho oo uu kula hadlayey shacab halkaasi isugu soo baxay.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha siyaasada Xamar iyo Xamar Daye Macallin Xaashi oo mar ka tirsanaa ciidamada Muuse Suudi balse hada ka mid noqday ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ee gacanta ku dhigay degmada Balcad,

Macallin Xaashi ayaa ku tilmaamay in warxumo tashiil iyo iska horkeen ay tahay in magaalada Balcad ay heystaan dad aan u dhalan wuxuuna sheegay in ay kusugan yihiin ciidamo u dhashay deegaanadaasi isla markaana laga dhisay maxkamad Islaami ah oo madax ay u yihiin dadka deegaankaasi,

Macallin Xaashi ayaa weydiyey isu soo baxayaasha in kuwa hada sheeganaya inay aasaasayaan midnimada Beesha Mudulood xagay jireen markii laygu soo weeraray deegaanadayda oo aan ku sugnaa miyaanan ahayn Mudulood, waxaa isoo weeraray ururka la dagaalan argagixisada, maxay ugu hadli waayeen dhibka loo geystay umad soomaaliyeed oo muslim ah muduloodna ah, aniga argagaxiso maahiye ma diinta Islaamka in laygu soo weeraro ayey noqotay aad baana ugu faraxsanahay in diin laygu soo weeraro ayuu hadalkiisa kusoo gaabiyey macalinka.

Sidoo kale Shiikh Shariif oo ah gudoomiyaha midowga Maxkadaha magaalada Muqdisho oo shalay shir jaraa’id qabtay waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo wadahadal kastaa oo ay la galayaan qofkii danaynaya arimaha Muqdisho, sidoo kale waxa uu sheegay in laysu yimaado waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada kuwooda dibada iyo gudaha jooga in ay kawada hadli doonaan arimaha Muqdisho.

Arimahaasi oo dhan sheikh Shariif waxa ay umuuqdaan kuwa uu ku helayo taageero dibad iy gudoba leh waayo dadka waxay is weeydiinayeen in midowga maxaakiimta ay u dan leeyihiin inay wataan jajuub waxayna u furaysaa wado cusub oo dadku ay kala dooran karaan, sidoo kale waxa uu aduunka u sheegay inaysan dano gaar ah kalahayn Somalia oo dhan inay ku soo rogaan in lagu xukumo diinta Islaamka wuxuuna sheegay Shiikh Shariif inuu diyaar u yahay inuu la xaajoonayo Dowlada Federaalka oo haatan fariisin u ah magaalada Baydhabo oo hadii wadahadaladooda ay ku guulaystaan, Muqdishana ay timaado dowlada federaalka ay noqon karto mid Somalia u dhalata waa cusub oo aan lafilaynin.

Sheikh Shariif iyo guud ahaan midowga maxaakiimta Islaamiga oo ku guulaystay kacdoonka shacabka inay meesha ka saareen kuwii dagaal oogayaasha ee mudada 15ka sanno jajuubka ku haaystay dalka Somalia, isbaarooyin arxan darana dhigan jiray kee baa saxsan?

Shalay waxaa hadlay madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlay arimaha Somalia wuxuuna sheegay isagoo jooga gobolka Taxes waxaan aad ugu walaacsanahay dhibka ka taagan magaalada Muqdisho, waxaan in badan xeeladayn doonaa arimaha Somalia ka taagan ugu hadli doonaa marka aan tago magaalada Washington, hadalada Joorji Bush ma ahayn mid soo jiitay bulshada Somaliweyn hadalada maanta laga hadal hayo dalka Somalia ayaa ahayd hadalada kasoo yeeray Joorje Bush,

Hadalada kasoo yeeray madaxweynaha Kongo isagoo kusugnaa dalka Mareykanka oo ah madaxa midowga Afrika ee xilagaan ayaa waxa uu Joorji Bush kula taliyey in dowlada maraykanka ay faraha kala baxdo taageerada ay siinayaan dhinac ka mid kuwa kudagaalamaya magaalada Muqdisho taasoo keeni karta in Somalia ay mar kale ka bilaawdaan dagaalo sokeeye, waxaa la gudboon Mareykanka in ay taageeraan dowlada federaalka si loo helo nabad ka dhalata dalka Somalia, Hadaba Somalia oo dowladeeda shaqeyso ayay ku xeran tahay inay is fahmaan maxaakiimta Islaamiga iyo dowlada lagu soo dhisay dalka Kenya waayo labada madaxweyne waxay ukala hadleen laba siyaabood oo u baahan in si daganaan ah looga fiirsado.

Mareykanka ayaa dhibaato weyn kala kulmay dalka Somalia sagaashamaadkii mana dhici karto in mar kale uu Somalia u soo diro ciidamo uu leeyahay waayo waxaa dhibaysa isagoo ka arka shaashadaha dunida isagoo lagu jiidayo ama lagu dilayo dhulka soomaalida, balse waxa uu u adeegsan doonaa oo lacago siin doonaa soomaali kale oo wax magarato ah. sidoo kale dowlada Kenya qoraal ay soo saartay ayay ku sheegtay in qabqablayaasha dagaalka aysan soo gali Karin dalka Kenya.

Dalada culumada Soomaaliyeed ayaa waxa ay soo dhaweeyeen xilka ka qaadista afarta wasiir oo uu kusameeyey Ra’iisul wasaraha Somalia uu xilka kaga xayuubiyey sidoo kale daladad culumada oo uu u hadlayey Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ah gudoomiye kuxigeenka dalada culumada soomaaliyeed ayaa waxa uu yiri hadaladii kasoo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaaliga Md. Cabdulaahi Yuusuf, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Md. Shariif Xasan iyo ra’iisul wasaaraha Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ee ahaa inay wadahadal la furayaan maxaakiimta ku guulaystay gacan ku haynta magaalada Muqdisho waanu soo dhaweynaynaa waana muqadas in qof walbaa uu ka shaqeeyo midnimada umada Somalia.

Shiikh Baaruud mar uu ka warbixinayey hadalada Bush uu shalay jeediyey in argagaxiso Somalia ay joogto waxa uu ku micneeyey inay la mid tahay dalka Ciraaq oo lagu duulay laguna tilmaamay inay haysato hubka Nukliyeerka lagana waayey.

Sikastaba arinta ha ahaatee hadalkii siyaasigii rug cadaaga Kadare ee shalay ka qudbeeyey Istaadiyo koonis maku saxsan yahay in Mudulood laga qabsanayo dhul oo ay dagaal kula jiraan Habar gidir siiba Beesha Cayr, mase kula tahay aqristoow in magaalada Jowhar ay kusugan yihiin Wasiirkii hore ee amniga ee xilka laga xayuubiyey Maxamed Qanyare Afrax iyo Wasiirkii hore ee dhaqan celinta Bootaan Ciise Caalin, in aysan ka hadlin beesha Mudulood inaay ka baxaan deegaanadaasi kuwaasoo ah kuwa danbi ka galay shacabka soomaaliyeed.

Kuwa sheeganaya beesha Mudulood miyeysan haboonayn inay ka dhiidhiyaan dhibaatada deegaanadooda kusoo fool leh maxay ugu hadli la’ yihiin oo dhihi la’ yihiin haka baxeen dhulkeena kuwa aan u dhalan si ay u badbaadiyaan umada Mudulood oo 80% magaalada Jowhar ugu badan, iyadoo waliba la kor dagay, kuwii laga awood roonaaday(Qanyare iyo Bootaan) misana diyaar u ah inay ka dagaalamaan dhul aysan u dhalan doonayana mar kale inay hoobiyeyaal iyo madaafiic ay u la dhacaan hadii loogu yimaado magaalada ay hada kusugan yihiin, maxay tahay ujeedada ay ka leeyihiin inay magaalada Jowhar tagaan uskuna difaacaan deegaan aaysan u dhalan?

Hadalada siyaasiga hore ee Xuseen Shiikh Axmed “Kadare” waxa uu u muuqdaa mid dano gaar ah ay ka leeyihiin kuwa 15ka sanno dhibka ku hayey oo aan dan ugu jirin Beesha Mudulood, hadii ay ku jirto deegaan jacayl iyo Mudulood inay badbaadiyaan waxaan ka codsanayaa inay ku dhawaaqaan in magaalada Jowhar qab qablayaashii magaalada Muqdisho madfaca la dhacay inay kasaaraan ka dibna ka dhisaan maxkamad Islaami ah oo ah kuwo u dhashay gobolka Sh/Dhexe si loo badbaadiyo bulshada reer Jowhar.

Ugu danbayntii waxaan talo usoo jeedinayaa midowga maxaakiimta inay ka fiirsadaan dhacdo kastaa ay ku dhaqaaqayaan waxaan kaloo u sheegi lahaa si loo helo midnimo, dowlad iyo kala danbayn waa in ay ka dhabeeyaan in ay wadahadal la furaan dowlada federaalka si loo helo shacbiyad iyo taageero dal iyo dibadba leh waayo hadii lagu mar marsiyoonayo beesha cayr baa meel qabsanaysa waxa shacabka Somalia ay doorteen madaxweyne soomaaliyeed waxaana loo baahan yahay inuu ka taliyo dalka oo dhan mana ahan in loo arko inuu dhul balaarsi doonayo ee waa in lagala shaqeeyaa midnimada iyo dib u heshiisiinta, sidaasaana lagu gaari karaa dowlad dalka nabadeeysa.

Aqristayaasha sharafta leh waxaan ka cudur daaranayaa hadii aay jirto meelo badan oo aad qalad ufahamtaan (Allah baa ah ma gafe), waa fakarkeyga.

Wixii rayi’gaaga ah fadlan kusoo bandhig qeybta ra’yiga dadweynaha ah si aad wax usaxdo.

Somalia Soomaali Baa Leh.

dhamaad