Main Page
Banadir Star NEW!
Latest News
Somali Radio



Mogadishu Links
Somalia (60 - 69)
Somalia-Study
Somali Links
Public Forum
Chat Room

Topic of the week
Djibouti Conference

Search BBC News

  





JABUUTI : HERAIGII AFWEYNE IYO II BADI AMA WA BAXAA

 

RUN SHEEGE WAA CEEB SHEEGE

1. SUAAL :DR. HADDI AAN KU SUAALO JABOUTI MAXAY TAHAY ? JAWAAB; JABOUTI WA DAL DERIS AH ,AY DEGAN YIHIIN WALAALO KA DANQADAY DHIBKA HAYSTA SOOMALIYA..

2. SUAAL : DR. JABOUTI DHIBKA SOOMALIYEED MAXAY KA QABATAY ? JAWAAB; JABOUTI WAXAY MUDDO DHEER MASHQUUL KU AHEED IN ADUUN WEYNAHA IYO URURADA CAALAMIGA KA DHADHICISO IN DIB LO DHISO QARANKII DUMAY EE SOOMALIYEED.

3. SUAAL; DR. JABOUTI MAXAA UGA SOO BAXAY SHAQADII DHEREED? J. JABOUTI WAXAY GARATAY IN LAGAMA MARMAN AY TAHAY IN LOO FIDIYO SHACABKA SOOMALIYEED GOGOL NABADEED OO LOGU DHISO DAWLAD SOOMALIYEED OO LOO WADA DHAN YAHAY,LAGUNA SOO NOOLEYA QARANKII. LA DUMIYAY.

4.SUAAL; DR. JABOUTI XAGEY KA BILAWDAY HAWSHII? J. JABOUTI WAXAY ISUGU YEERTAY GUDDI KA KOBAN URURO LAGU SHEEGAY IN AY YIHIIN WAX GARAD IYO WAKILA SHEEGTAY IN AY KA SOCDAN BULSHADA.,KUWAAS OO GAREEN GOAAN LABA LABA AH OO U EG : LA JOOJIYA BANAN, LA JIIFIYA BANAN.

5.SUAAL;DR. ERGOYIN KU SHEEGA JABOUTI YIMID YEY KA KOBAN YIHIIN?

J. WAXAY KA KOBAN YIHIIN HERAIGII DAWLADI AFWEYNE ,DAGAL OGAYASHII DADKA LAYAY ,ODAYAL ISKU SHEGAY IN AY QABILADA MATALAYAAN ASII U SHAQAYNAYA LABADA KOXOOD IYO CALOOSHOODA , OO AAN KA FIKIREEYNIN DADKA IYO DALKA SOOMALIYEED..

6.SUAAL ; DR. TIRADA ERGOOYINKA MAXAY DHANTAHAY ,MAXXASE DHEERAD AH?

J. ERGO KU SHEEGA WA 900 OO AY SOO RACAAN 1600 OO GOB JOOG AH AY SOO WATEEN KOXAHA TARTAMAYA OO DARAJA DOONKA AH . 1

7.SUAAL ;DR. UMMADA SOOMALIYEED MAWAXAY KA KOBATAHAY OO KALIYA HERAGII AFWEYNE ,DAGAL OOGAYAL IYO RUUGCADDE BAHAN ?

J. WA MAYA , JABOUTI WAXAA KA MAQAN : AQOONYAHAN ,WAXGARAD, XAYLDHEERA YASHII MAMULKA OO XALASHA AHAA IYO INTII MATALI LAHEED INTA BADAN OO DULMAN OO WELIGOOD WAXNA DHICIN DADNA DILIN.

8.SUAAL ;DR. HADDI LAGA TAGAY INTII XALASHA AHEED , MAXAA KA SOO BIXI KARA JABOUTI?

J., JABOUTI MA SOO BIXIKARAAN WAX FIICAN IYO WAX UMMADA WADA QANCIYA OO KU SALEYSAN CADALAD IYO SINAN, WAYOO DADKA ISKU -GU YIMID ASAL UMA AHAN WANAG.

9.SUAAL :DR. SEDEXDII BILOOD OO LA FADHIYAY JABOUTI MAXAA GOAAN LAGARAY? J. WAXAA KA SOO BAXAY DASTUUR KA KOBAN 38 QODOB OO AAN DHAMESTIRNAY N(AXDI GA KU MEEL GAARKA AH) OO AY SOO DIYARIYEEN DAD AAN ASAL IYO AQOON U LAHEEN IN AY DASTUUR DEJIYAN , OO LAGU SOO ARUURIYAY SI QABIL KASTO ISKAGA ARKO GOOBTA . LAKIIN WA DHABQIYEEN WANA KU DHEELEEN ,DALNA LAGUMA DHAQIKARO WAX DAD AAN AQOON U LAHEEN SHARCI IYO DASTUUR SOO DEJIYEEN. DASTUUR KU SHEEGA SI FIICAN LOOGAMA DODIN DHAMANTIIS ,INTA AAN KA AHEEN 2 QODOB OO AY KA MUQATAY DORASHADA MADAXWEYNAHA IYO BARLAMANKA .

10.SUAAL;DR. INTAAS GARANAY MAXAA DHIB U DHIGAY SHIRKA? J.SHIRKA WAXAA DHIB U DHIGAY DAD WELIGOOD KU NOOLA NAS NUUJIN XARAAN AH OO LOGU SAMEYAY EEX QABILNIMO , OO DOONAYA IN AY DADKA KU QASBAN IN SHARCI LAGA DHIGO XAQDARADI HORAY LOOGU SAMEYAY.SOOMALIDU WAXAY KU MAH -MAHDAA (BADIDII KUGU RRAGTAY WAXAA MOODA IN AAD LEEDAHAY) .

11.SUAAL;DR. XAQDARADA XAGEE KA TIMID? J. XAQDARADU WAXAAY LA BILAABATAY MAALINTII LA SAMEYAY MAMULKII GUDAHA 1956,IYO WAXII KA DAMBEEYAY, MALINTAAS AYA LA BILABAY IN DADKA SOOMALIYEED LA KALA GELIYO QANADO OO AAN MUQAN LAKIIN LAGU SHAQEYO ,QAABKII WAX LAGU QAYBIYAY AYA KU SALEESNAY IN DAD GAAR AH LASIIYO MUDNAN AYSAN XAQ U LAHEEN OO LOO BADIYO TIRADA KURASTA BARLAMAANKA ,TIRADA DEGMOOYINKA ,TIRADA SHAQALAHA DAWLADA , TIRADA CIIDAMADA I.W.M., SI AY U MEEL MARIYAN , DAD YAR DANTOODA,DUUNIDANA UGU SHEEGAN IN AY U BADAN YIHIIN SOOMALIDA ,LAKIIN RUUNTII WAXAY KA MUQATAY MARKII AW DHACAY KACDOONKII SHACABKA 1991. MARKAAS WAXAA SOO SHACBAXAY BEENTII LA SHEEGI JIRAY ILA1956. TOLOO WAXAA IS WEYDIIN LEH “YA YAR , YASA BADAN”.

12.SUAAL;DR. TIRA KOBYADII DALKALAGA SAMEEJIRAY SIDEE AHAAYEEN?

J. TIRA KOOBYADA DALKA LAGA SAMEYJIRAY WAXAAY AHAAYEEN KUWA XARAAN AH,WAAYO MARKA HORE HAWSHA WAXAA LOO DIRIJIRAY DAD GAAR AH SI AY U SOO TIRIYAAN DAD,XOOLO, GEEDO, SI AY UGA MUUQATO TIRA BADAN OO KA TURJUMAYSA BEENTII AY SHEEGANAYEEN, MARKA LABAAD MADAXTOOYADA AYA HADDANA SI KORDHI JIRTAY ,HADBA MESHA AY DOONAYAAN.

13.SUAAL; DR. DHIBKII TIXANAHA AHAA MAXOW KEENAY?

J. WAXOW KEENAY KACDOONKI SHACBIGA ,LAKIIN WAXAA MARIN HABABIYAY DUUL TUUGO AH OO NOGA YIMID GOBALADA DHEXE OO DIIRTAY DADKII IYO DALKI ,OO BURBURIYAY HANTIDII QARANKA IYO TII SHACABKA SOMALIYEED ,DHOOFSADAY TALOOYINKII, WARSHADAHII , MARTII KORONTADA ,LABAXAY TUBOOYINKII BIYAHA ,HADANA DEGAY GURYIHII ,BEERIHII, TUUGADII HORE IYO KUWII SHACABKA CADIGA AH EE LAHAYEEN.

14.SUAAL;DR. MAXAA KA TIRI DHAQAALIHII DALKA ?

J. WAA SUAAL WEYN OO AAN LAGU SOO KOOBIKARIN WAQTI YAR WAXAAN KA BILAABI LAHA KUWII KA TAJIRAY DHACII IYO BOOBKI HANTIDII QARANKA NABAAD GUURIYAY DALKII DHOOFIYAY DHUXUSHII,SUUNTA KU DUGAY BADAA ,KANA IJARTAY AJNABI KA KALUUMEYSIGA BADDA SOOMALIYEED ,MARKII AY DEQI WAYSAY ,LACAGTII HORAY U TIIL DALKA IYO MIDII CUSBEED OO GADAL LAGA KEEYNAY ,AYAY HADDANA SOO DABANDEEN LACAG KALE WADAR JEER SI AY U DHACAAN MARLABAAN SHACABKA SOOMALIYEED, UGANA GATAAN GURYAHOODA ,XOOLAHOODA, BERAHOODA,MAANTA IYO BERRINA DOONAYAAN IN AY KU GATAAN DARAJO AY U DUUGAN RADKOODA.

15.SUAAL;DR. DADKAAN QARANKA DAMBIGA KA GALAY SEE LA YEELA?

J. DAMBIGGODA RADIS MARABO OO CIDKASTA WA OGTAHAY ,WAXAA MUUQDO XAWAALIHI DADKII AY LAYEN, HANTIDII AY BOOBEEN IYO MIDI AY BURBURIYEEN ,INTAAS WAXAA U DHEER FAL XUMADA AY WADAN OO AH : KA SOO HORJEEDKA HESHIISKA UMMADA SOOMALIYEED IYO QARANKA DIB UDHISIDIISA. SIDAAS AWGEED WA IN LA HORKEENA MAXKAMAD MADAX BANAAN,LANA MARIYA CIQAABTA OO MUDAN YAHAY QOFKII MAALIN DAMBI KA GALAY SHACABKA SOOMALIYEED.

16.SUAAL;DR. SAY KULA TAHAY IN OO KU DHAMANAYO SOOMALI XALADEEDA?

J. UMALEYMAYO IN AY SI FUDUUD KU DHAMAANEYSO, HADDII AAN LA ISKA QABAN DADKA DEGAY DHUL AYSAN LAHEEN ,IYO KUWA SHALAY IYAGOO BARYOOTAMAYA LA DEJIYAY EE MOODAYA IN AY DHULKA LEEYIHIIN, WAXAA WELI NOOL DADKII SOO DEJIYAY. NABAD BUUXDA LAGARIMAAYO INTA AFKA LA ISQABANAYO , QABIIL OO QABIILKALE KOR DEGANYAHAY,(BOORAAN AFKII LAGA QUNFULAY WABA QARAXDA) WAXA LAMA HURAAN AH IN CIDKASTA AY KU NOQOTO MESHAY U DHALATAY,SI LA ISKUGU YIMAADO DAWLAD FEDERALI AH .

WAXAAN RUUN AH HADDII AAN LA HELIN DAD SOOMALIYEED OO DIIN IYO IIMAN LEH OO GAARTA IN NABAD WAARTA LOO BAHANYAHAY , WAXNA KU QAYBSAN KARO XAQIIQ KU SALEYSAN SINAAN IYO CADAALAD KANA WAANTOOBO SI AYSAN U DHICIN DHIBKII SHALAY DHACAY.

W.Q

PROF. OMAR M. HASSAN (GALAGUL)

Dr. MOHAMED Y. AFRAH

 


Main Page | Latest News | Reuters News | A. Press News| Washington Post |Contact Us

Copyright © 1999 banadir.com  All Rights Reserved

 



Previous News

May News
April News
March News
February News
January News