MUXIDIIN DARBA WEYNE OO SHIR JARAAID QABTAY

Waxaa maanta xarunta cusub ee xiriirka kubada cagta somaaliyeed lagu qabtay shir jaraaid, kaa soo uu ka war bixinayay gudoomiyaha cusub ee xiriirka kubada cagta somaliyeed , wuxuuna si saraaxad leh ugu hadlay khilaafka ba'an ee in muddo ahba u dhaxeeyay xiriirka kubada cagta somaliyeed kasoo kenay in uu xiriirku yesho laba Gudoomiye.

"Xayiraada Lacagta ee saaran xiriirka kubada cagta somaliyeed waxaa ugu wacan Xiriirka oo Magacaabi waayay Gudoomiye cusub oo uu xiriirku yeesho, maadaama Faarax Sindiko ay Ganaax ku soo rogtay FIFA" ayuu yiri Muxyadiin Xasan Cali [Darbaweyne] oo dhinaca kale sheegay in si sharci ah isaga loogu doortay inu noqdo Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta somaliyeed.

Sidoo kale Muxyadiin darba weyne waxa uu sheegay in isagu la socodsiiyay xiriirka kubada cagta somaliyeed sida ay wax u jiraan iyo Fikrada FIFA iyo xaalku meesha ay mareyso, "ha isku qaldina warka ee waxaad ogaataan in FIFA aysan diidanayn in ay bixiso dhaqaalah xiriirka kubada cagta somaliyeed, balse markii dhawr jeer ay FIFA ku soo dalbatay in uu Xiriirku sheegto goob loogu soo xawilo maadaama uu Sindiko Ganaaxan yahay FIFA-na loo sheegi waayay goob ka madax banaan Sindindiko ayuu dhaqaalihii ku xayirmay" ayuu yiri Muxyadiin Darbaweyne oo sheegay in wax qabadkiisa ugu horeeyo uu noqon doono sidii loo sooo dhicin lahaa dhaqaalahaas uu xiriirku leyahay.

Dhinaca kale muxidiin darba weyne waxaa uu xusay in aysan FIFA ogolaan doonin doorasho aan si sharci ah u dhicin, "ma ogolaan doono in aan hoostago nin aan kaga aqoon roonahay sport bashiir goobana aniga ayaa ugu aqoon roon mar ay dhinacaas timaado" ayuu yiri muxudiin darbaweyne oo sheegay in wax qabadkiisa ugu horeeya uu noqon doono in uu dhiso dayac tirna ku sameeyo garoomada kubada cagta somaaliyeed .

Maxamuud axmed xasan (xuurshe) Xuurshe114@hotmail.com