Cairo,11th July 2002
Report Prepared by Banadir.com
Sida ay qortay Jariidada Sharq-Al-Awsad cadadkeeda soo baxay shalay (10th July 2002), Waxaa Safiirka Soomaalida u fadhiya caasimadda dalka Masar ee Qaahira Cabdullahi Maxamuud xasan uu bilaabay inuu barto ku-socodka bushkuleetiga, kadib markii uu gaarigii Safaaradda ku galay shil baabuur . Waxaana shilkaa oo ka dhacay xaafadda Safaaraddu ka degan tahay magaalada Masar ee El-Duqi ku dhaawacmay inan uu Safiirku dhalay iyo laba qof oo kale, hase ahaatee Danjiraha waxba kuma gaarin shilkaa oo uu sababtiisu lahaa gaari ka hor yimid gaariga Safaaradda .
Wuxuuna Danjiruhu caddeeyay mar uu la hadlay Jariidada Sharq-Al-Awsad, inuu wadan doono gudashada xilkiisa xitaa hadii ay dantu ku kalifto inuu lugeeyo ama uu qaato gaari-faraska magaalada, isagoo sii raaciyay inuu iminka ka cudur-daartay inta badan ka qaybgalka hawlihiisa diplomaasiga ah, inta laga hagaajinayo gaariga qura ee Safaaradda u haray oo shilka ku burburay.
Wuxuuna Safiirku la qabaa miisaaniyad la'aanta haysata Safaaradaha kale ee Soomaaliyeed ee furan oo aan ilaa iyo iminka ka helin wax lacag ah Dawladda KMG ah ee ka dhisan Muqdisha.
|