Rotating Banner

Web Hosting
Main Page
Latest News
BBC Somali 1800

BBC Somali 1600

Topic of the week
Mogadishu Links
Somalia (60 - 69)
Somalia-Study
Somali Links
Chat Room

Djibouti Conference



M.M.Afrah's Books
  

0rder M. M. Afrah's book
THE SOMALI TRAGEDY
THE GANG RAPE OF A NATION. Mr. Afrah is a skillful writer and innovative storyteller. CLICK HERE FOR THE REVIEWS AND HOW TO ORDER THE BOOK.


Search BBC News

 


Previous News

Sep-Oct 2004 News
Aug 2004 News
July 2004 News
June 2004 News
May 2004 News
April 2004 News
Mar. 2004 News
Feb. 2004 News
Jan. 2004 News
Dec. 2003 News
Nov. 2003 News
Oct. 2003 News
Oct. 2003 News
Sep. 2003 News
Aug. 2003 News
July 2003 News
June 2003 News
May 2003 News
April 2003 News
March 2003 News
Feb 2003 News
Jan 2003 News
Dec 2002 News
Nov 2002 News
Oct 2002 News
Sep 2002 News
July 2002 News
May 2002 News
April 2002 News
March 2002 News
Feb. 2002 News
Jan 2002 News
Dec 2001 News
Nov 2001 News
Oct 2001 News
Sep 2001 News
Aug 2001 News
June 2001 News
July 2001 News
May 2001 News
April 2001 News
March 2001 News
Feb. 2001 News
Jan. 2001 News
Dec. News
Nov. News
Oct. News
Sept. News
August News
July News
June News
May News
April News
March News
February News
January News


SANNAD GUURADDII 61aad EE HALGANKIIXISBIGII S.Y.L
HALHEYSKII XISBIGA : QABIIL QARAN MA NOQDO

W.Q Dr. Abdulkadir Ali Bolay


Marka hore waxaan hambalyo iyo boogaadin ba u dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah sannad guuradii 61aad ee guushii uu soo hooyey xisbigii S.Y. L, waxaan ilaahay ugu baryeenaa inuu naxriistiisa ku maneysto inta mootan ee naftoodda u soo huray xornimadda aanu maanta haysano , inta nool na waxaanu Eebbe ugu rajayneynaa in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, shacabka soomaaliyeed na dhibaatadda ku habsatay inuu ilaahay ka qaado .


Haddii aan dib u milicsaddo oo si kooban u xuso xisbigii SYL waxaa dhidibadda loo dhigay 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 , kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga uu leeyahay shacabka soomaaliyeed, iyaga oo aad u diidan siyaasadda gumeysgia oo ahayd qaybi oo xukun, dhallinyaraddaasi waxay si weyn xil isaga saareen sidii shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah loo gaarsiin lahaa .

Ururkaasi wuxuu ku tallaabsaday guulo la taaban karo , isla markii ba wuxuu dastuurkiisa ku soo bandhigay ama ku xusay dhibaatadda qabyaaladda ay u leedahay horumarka iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed .
Ururka SYL durbaddii ba wuxuu bilaabay inuu olole naxriis la'aan ku qaado qabyaaladda iyo kuwa qabiilka adeegsanaayo , taasoo si weyn uu ugu guuleystay in qabyaaladda uu ka hor tago oo si tartiib tartiib ah u dagaalamo .
Haddii aan xuso waxaa door weyn ka qaatay la dagaalankaasi , dhallinyaraddii horseedka ka ahaa xisbiga oo ay ka mid ahaayeen :-

1. Adan Carte
2. Adan Gurey
3. Warsame Jooglaqe
4. Osman Galay
5. Maxamed Gaagaale
6. Cabdikariim Beerweyne
7. Warsame Joqof
8. Abuu Raas

Iyo kuwa kale oo aan xasuusanin oo door weyn ka qaatay la dagaalanka qabyaaladda , kuwaasoo fahmay in qabiilku caqabad uu ku yahay halganka ummadda soomaaliyeed .
Waxayna guul la taaban karo ay ka gaareen in ay soo af jaraan colaaddii dhex taalay walaalaha soomaaliyeed .

Munaasabaddii sannad guuraddii 5aad ee aasaaskii ururka SYL , waxaa ka soo qayb galay wafuudii kormeerka ku kala soo bixiyey goboladdii 5ta soomaaliyeed, ujeeddada ugu weyn kormeerkaasi wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn, lana wacyi geliyo dadweynaha soomaaliyeed sidii loo helo midnimo soomaaliyeed oo loo tuso wafuuddii ka imaaneysi United Nations.
Haddii aan tusaale ahaan u soo qaato kormeerkaasi waxa hogaaminaayey :-

1. Mudane Maxamed Ahmed Ottavio
2. Mudane Axmed Allore
3. Mudane Ladane

Iyo mudanayaal kale oo aan xusus ku soo koobi karin balse , taariikhda ummaadda soomaaliyeed xusi doonto , Waxaa kale oo xusid muddan in aan halkaani ka xuso dhallinyaraddii ka tirsaneyd Somali Signal Squadro oo door weyn ka qaatay in ay kormeerayaasha ku guuleystaan kormeerkoodda maxaa yeelay meel alla meeshii ay cagata dhigaanba waxaa taar ka hormari jiray dhallinyaradaasi Somali Signal Squardro, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen :-

1. Cabdiraxmaan Alfaas
2. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
3. Cabdi Adan
4. Cali Xirsi Jano gale


Waxaa kaloo xusid muddan dhallinyaraddii ku kala baahsaneyd goboladdaasi, si ay u barayrujiyaan dadweynaha ku nool gobaladaasi isla markasina ay ku wacyi geliyaan waddaniyadda iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed, dhallinyaradaasoo gacan weyn ka geystay inuu najaxo kormeerka wafuudda SYL ay ku maraayeen 5ta soomaaliyeed waxaa ka mid ahaayeen :-

1. Maxamed Raaji Maxamed
2. Cali Food
3. Axmed Qamac
4. Xeero Xaaji
5. Ibraahim Baalay
6. Dheere Maxamed Shariif
7. Xasan Colow
8. Cabdulqadir Qararac
9. Adan Tasame
10. Xuseen Ramadaan


Iyo kuwa kale oo aan halkani aan ku soo koobi Karin , guusha ugu weyn uu kormeerkaasi laga gaaray waxay ahayd mideynta ummadda soomaaliyeed ee loo kala qaybiyey 5 qaybood , taasoo lagu qaybsaday shirkii Berlin ee lagu qabtay sanadkii 1884kii.


Waxa ay koormeerayaashii ay caddeeyeen in ummadda soomaaliyeed meel kastaba ha joogeen ay diyaar u yihiin mideynta ummadda soomaaliyeed, isla markaasina waxay xuseen dhibaatooyinka hortaag halganka gobannimo doonka soomaaliyeed ay tahay qabyaaladda oo ku abuurtay mujtamaca soomaaliyeed is naceeb iyo kala qaybsanaan .
Munaasabaadaasi oo lagu xusaayey sanad guuraddii 5aad waxaa heeso wadani ah ka soo jeediyey Abwaankii weynaa Qasim Hilowle (Iskiifo) , heesahaasi oo shacuur wadanimo ku abuurtay dhamaan shacbiga soomaaliyeed oo ka soo qayb galay munaasabaddaasi , heesahaasi waxaa ka mid ahaa :-

· Soomaaliyey qabiil qabiilka daaya , soomaaliyeed qabiil qaran ma dhiso
· Soomaaliyey toosooy toosooy isku tiirsanayey , hadba kii taag daraney taageera weligiina .
· Soaomaaliyey daaya kani waa ugaas , kani waa suldaan , kani waa islaw, kani waa malaaq .. waa inaad ilawdaanee !!!!

Heesahaasi waxay wax weyn ka tareen kordhinta wacyiga shacbiga soomaaliyeed taasoo ay ku beertay wadaniyadda , oo ay shacabka fahmeyn qiimaha ay leedahay waddaniyadda . Markii shacabka soomaaliyeed uu gaaray bisaal una fahamay qiimaha weyn ee ay leedahay waddaniyadda , ka dib ayaa loo tafaxaytay si loo dooni lahaa xornimo iyo madaxbanaani iyo sidii looga hortigi lahaa xeeladdaha uu adeegsado gumeysiga oo ahayd qaybi oo xukun, ujeeddada ka dambeysina ay ahayd in aan la gaarin midnimo soomaaliyeed .
Taasoo guul u ahayd ururka SYL , inuu hor is taago himilooyinkii gumeysiga uu ka lahaa ciidda soomaaliyeed , ururka oo kalsooni ka haystay shacabka soomaaliyeed ayuu guushaasi gaaray , kalsoonidaasi xoog leh ayaa soo dedejisay in la gaaro xornimo iyo madaxbanaani , taasina waxaa lagu gaaray midnimadda shacabka soomaaliyeed .

Runtii qabiilku wuxuu soo maray marxalado kala duwan,taasoo ay sababtay burbur, kala daadsanaan , is aamin daro , dhac iyo in xoog la isku sheegto , intaasoo dhan ayaa qabiil u geystay shacbiga soomaaliyeed .
Arrimahaasi xanuunka badan waxay mar wali ba dhibaato ku ahayd midniamadda iyo horumarka ummadda soomaaliyeed .
Haddaba waxaa loo baahan yahay in shacabka soomaaliyeed inuu hal hays ka dhigato
"Qabiil Qaran ma dhiso"si looga gudbo qabiilka oo loogu gudbo waddaniyadda taasoo lagu gaari karo horumar iyo midnimo isla markaasina lagu soo celin karo qarannimaddii burburtay, calankii , haybaddii , sharaftii iyo magacii ummadda soomaaliyeed oo baaba'ay .
Maxaa yeelay waxa halkaani na dhegay waa qabiil, sidaasi darteed waxaa haboon in shacabka soomaaliyeed uu fahmo dhibaatadda ay leedahay qabyaaladda .


Dr. Abdulkadir Ali Bolay


Main Page | Latest News | Reuters News | A. Press News| Washington Post |Contact Us

Copyright 1999 banadir.com  All Rights Reserved

 


The Centre for Research & Dialogue (CRD)
-->