26KA
JUUN WAA MAALINTA QARANKA SOMALILAND
W.Q Ahmed Arwo (ahmed_arwo@yahoo.co.uk)
26kii
Juun 1960, waa dharaartii aynu gobanimada helnay, waa ayaantii aynu noqonay
dal xor
ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, waa maalintii ay ina aqoonsadeen
dalal ka badan
30.Waxa mahad mudan in maanta magaaladan Cardiff lagu xusi doono sabtida
25ka June
maalintan. Waxa si gaar ah qiime u yeelay iyadoo xuskan lagu maamuusay
tiir ka mid ah
rukunnada ay ku taagan tahay siyaasadda Somaliland. Waa ruug-caddaa ilaa
xoriyaddii 60ka
ilaa maanta aan saaxadda maamulka dalka ka bixin.
Waa Mudane
Axmed Yuusuf Ducaale, oo maanta ka mid ah Hormoodka Golaha Fulinta ee
Xisbiga
Kulmiye, kana mid aha aasaasayaashii xisbigii NUF, isla markaas noqday
Wasiirka Arrimaha
Debedda ee Somaliya, Qayb lexaad lehna ku lahaa siyaasadii SNM, waxuu
noqday wasiirka
Waxbarashada ee Somaliland oo uu raad fiican kaga tegay, maantana waa
nin ka mid ah ragga
isteerinka u haya Xisbiga Kulmiye.Waxa maanta sharf u ah dadweynaha Cardiff
inay soo
dhoweeyaan Mudane Axmed oo taariikhda Somaliland madaxiisa iyo qalbigiisa
ku sida.
Isaagaa ah taariikh nool,ee ha laga faa'iideysto.
Waxay ahayd maalin farxad iyo reynreyn dadweynaha somaliland ku jiray.Waa
ayaantii Alle
ha u naxariistee Timacade lahaa: Aan siduu yahay eegee, kanna siib, kana
saar...waa ayaan
ninkii nolaa farxad iyo damaashaad ku jiray.
Waa in
la mariyaa maamuuska ay leedahay oon hoos loo dhigin.Waa inay noqotaa
mid qalin
dahab ah lagu qoro, lana soo ban dhigo qiimaha xoriyaddu leedahay. Tani
wax xidhiidha
lama laha dhibaatooyinkii ka dhashay is-raaca oy sababteedu ahayd arrin
inagaga timid
meel aan la filayn.Yaan 26ka Juun lagu xidhin 1da Juulay.Xidhiidhkoodu
waa mid ka yimid
go'aan lagu degdegay oon lagaga tababushaysan waxii ka iman kara, iyadoo
loo qaatay in
waxwaliba noqon doonaan malab iyo caano.
Haddaba
bal aan xusuusano 45 sano, aynu gumeysigii Ingiriska xoriyadda ka qaadanay.
Waxa
ay u kala kacayaan 9 sano oo habka xisbiyada badan dalka ka jireen.12
( waa intaynaan SNM
samayn,oynaan dagaal qaadin) sano oo xukun militari dalka ka jiray iyo
10 sano oynu
dagaal kula jiray taliskaa macangaga ahaa. Waxa taas soo raacda 14 sano
oynu xoriyaddii
la soo noqonay. Waxa aan sidan ugu qaybiyey in la arko inayna yareen mudada
aynu dib u
dhalinay jumhuuriyadda Somaliland.
Ina Barre
markuu dalka cadaalad darro iyo maamul xumo ka dayn waayey, waxaynu sugnay
12
sano, kolkaasaynu qaadnay dagaal aynu ku guulaysanay, maantana waxa ka
soo wareegay 14
sano intii aynu xukunka la soo noqonay.Waxaana fiican in leys weydiiyo
waxa inoo
qabsoomay iyo inaynu mudadan wax intaas ka badan gaadhi lahayn.Gaabiska
muuqda maxaa
dhaliyey? Yaa hawshooda gabay? Maxay sheegan kartaa dawladdan maamulkeedu
ragaaday? UDUB
se ma yahay xisbi ka turjuma himmilada ciddii u fooday, mise waa mid durbaanka
la daba
jooga ninka ay kursiga ku fadhiisiyeen.
Aan dib
ugu noqdee, gumeysigii Ingiris wax weyn inoogamuu tegin.Waxaa se jiray
sharci iyo
hab maamul-suuban oo soo cagaaraayey. Taas waxa aan ku salaynayaa, anigoo
dugsiga hoose
gelay lixdanaadii, ayaan xusuusanay habkii waxbarasho ee jiray.Waxaan
lahaan jirnay qalab
ciyaareed,(sport and art), waxa naloo dhigi jiray wax la yidhaahdo CIVICS,
oo aha hab
dhaqanka dawladda, kan degaanka iyo kan dawladda dhexe,habka barlamaanka,iyo
maxkamadaha.
Waxa dugsiga hoose naloo tababaraayey inaan noqono muwaadiniin yaqaan
xaqa dalku ku
leeyahay iyo kan ay ku leeyihiin.
Waxa
aan lahaan jirnay safaro aan ku tegno degmooyinka dalka, oon la kulano
ardayda
dusgiyada dhigta iyo maamulka degmooyinka, iyo dadweynahaba iyadoo ciyaaro
na dhex mari
jireen.Waxa jiri jirtay dugsiyada dhexe inay yeeshaan tartan kubadeed.Waxa
aanu lahayn
hab fan iyo hab doodeed. Iyadoo la jili jiray riwaayado carabi iyo ingiriisba
aha.Waxa
aan lahayn hab doodeed, (debate) kaas oo lagu baran jiray dimuquraadiyadda,
iyadoo doodda
ka dib la foodi jiray.Waxa aan lahayn urur ardayeed(Students Union), macalimiintuna
waxa
ay lahaayeen (Teachers Union), waana kuwii dhaliyey in Dugsiga Farah Oomaar
la dhiso,
markii mudaharaaado dhaawac keenay lagu oogay dawladii xilligaa jirtay.
Sanadba
sanadka ka dambeeya ayey arrimahani sii baa'baayeen. Ilaa Ina Barre yimid
oo uu
ooda u jiiday hab-dimuquraadiyeedkii dalka oo la waayey urur nooc kasta
ha ahaadee, mid
xisbi iyo mid bulshaba.Waxa xidhmay xoriyaddii jaraaidka, waxaan bilaabmay
odhaahdii
ahayd "Car juuq dhe", waxana ku soo biiray habkii dawladda,
ciidamo gaar ah oo loo qortay
inay muwaadinka cagaha hoos gashaan, kuwaas oo ahaa NSS iyo maxkamado
la hal maala
ciidankan oo ah Maxkamadda Badbaadada Dalka...oo runtii ahayd Maxkamadda
Madax-jabinta
Muwaadinka.Waxa ayaan darro ah in maanta weli raadkoodi taagan yahay.
Waxa taas si toos
ah u xaqiijiyey Guddoomiyaha Maxkammadda Sare oo sheegay in dad badan
lagu xidhay sharci
darro, oo loo adeegsaday "Xukunka degdega ah".
Waa in
la xusaa ragii u soo halgamay xoriyadda, xisbiyadii jiray iyo giraanta
taariikhda
oo lagu xidhiidhiyo halgankii SNM, lana maamuuso ciddii ku dhimmatay,
kuwa ku agoonoomay
iyo inta nool oo la qadariyo.
Waa in ubadka loo qoraa taariikhda.Ogow cidda aan aqoon waxay shallayto
ahayd ma garan
karto waxay noqon berito.
Haddaba
xukunkii faqashtu waxa uu keenay cadaalad darro, eex iyo ku tumasho xuquuqda
aadmiga, waana arrimahan kuwa aynu ka dagaalanay. Illahay mahadii weynu
ku guulaysanay,
balse waxaad moodaa in talaabada aynu ku soconaa tahay tii diinka. 14
sano waxaad moodaa
in loo arko 14 bilood. Waa muddo aad u dheer oo wax badan la qaban lahaa.Weli
ma sugna
himilada qudha ee dadweynaha qancinaysa, ahna mid aad u sahalan haddii
la helo madax u
heelan inay hirgeliyaan barnaamaj qorsheysan oo lagu gaadhaayo...waa
CADDAALAD...CADDAALAD.....WAA CADDAALAD SHARCIGA LOO SINAADO.
Waxa
ayaan darro ah in si hawl yar loo dacaayadiiyo ciddii ummadan u hurtay
naftooda.
Waxa la marayaa heer aflagaado iyo xaqiraad lagu dhoobo intii ugu mudnayd
halkankii
dhowaa een weli midhihiisa la goosan, waa kii SNM, markaas yaa xusuusan
kara raggii
lixdanka soo halgamay. Ninka naftiisa u huray kor u qaadka nolasha dadkiisa,
maxaa ka
dhigay in lagu tilmaamo dayday, maxaa u diiday in loo arko nin mudan inuu
hogaamiye
noqdo. Yaa kaga habboon inuu reerka u raro meel baad iyo biyo leh. Ogow
isagaa naftiisa u
huray inuu taas gaadhsiiyo, waa nin mari kara dariiq taas lagu gaadho.Ma
lehi iyagaa keli
xaq u leh taas, waxaan se leeyahay ha ku helaan dhibco (points) dagaalka
ay soo galeen.
Iska daa dhibco ay helaan, ee waxa ay ku noqotay canbaar dhabanka kaga
taal. Intaad
maqashay....SNM xiligeedi dhammaa, dagaal iyo dirir looma baahna..Waxa
dhab ah in ninka
xiliga dagaalka naftiisa dalka u huraa yahay kan ugu jecel dhismehiisa.
Waxaad
moodaa in laga dhigay hadafkii SNM inuu ahaa dagaal. Waa ayaan darro in
dadweyne
badani dacaayaddan jaban laga dhaadhiciyo.
Dagaalku waxuu ahaa mid leynagu qasbay, waxuu ahaa dariiq loo maraayo
hadafka oo ah in la
helo maamul, caddaalad iyo horumar ummaddda u horseeda.Dagaal ayna ujeeddo
ka dambeyni
waa mid aan dhammaad lahayn. SNM na waa mid taas ka dheer. Waa mid ambo
qaaday geedi
socodka sooyaalka Somaliland, iyadoo toosiyey qaladkii lagu sameeyey dadweynaha
Somaliland. Waxay ambo qaaday dhammeystirkii geedigii ay bilaabeen Sheikh
Bashiir, Faarah
Oomaar, iyo xisbiyadda SNL iyo NUF.
Aan jaleeco
macaanka gobannimadu leedahay.Bal dhoox, ereyada macaan ee ku jirta heesaha
caanka ah..Dharaarta aan waxyeeda dhaqdhaqee..waa dharar farxad iyo damaashaad
mudan..ee
aan maalno hasheen maandeeq..
|