|
Cabdiqaasim
Salaad Xasan, Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa
maanta ka soo saaray Madaxtooyadiisa wareegto dib loogu habeynayo
Ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kala dareeray muddo
tobon sano haatan laga joogo.
Waxa uu
sheegay Madaxweynuhu in saraakiisha, saraakiil xigeenka, dableyda
kartida leh iyo dhallinyaro laga soo xulay maliishiyooyinka
hubeysan ay noqon doonaan iyagu kuwa lagu billaabi doono dhismaha
ciidanka Xoogga dalka. Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu ku
adkeystay in soo celinta Ciidankii hore ee Xoogga dalka Soomaaliyeed
ay tahay mid lagama maarmaan ah. Waxa uu ku daray in Ciidanka
Xooggu yahay hay'adda ugu sarreysa difaaca dalka.
"Koritaanka
Ciidanka Xoogga dalka wuxuu la saanqaadi doonaa baahida nabadgelyada
iyo awoodda dhaqaale ee Dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya"
ayuu ku yiri wareegtadiisa Madaxweynaha KMG ah.
Wareegtada
Madaxweynuhu, waxa ay soo baxday iyadoo magaalada Muqdisho
la is dhex wado in la soo saari doono magaca noqon doona Taliyaha
Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Waxaa
sidoo kale la filayaa in la soo saaro magacyada noqon doona
Taliyaha Ciidanka Cirka, Dhulka iyo Badda, sida ay xaqiijiyeen
saraakiil ciidammada ah oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga
ee Dowladda KMG ah.
|