|
Wasiirka
Caafimaadka ee Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane
Hamed Al-Madfac ayaa shalay Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka
Caafimaadka ee Dawladda (KMG) ee Soomaaliyeed Mudane Maxamed
Nuuraani Bakar oo beryahanba booqasho ku joogay dalkan Imaaraadka
.
Mudane
Maxamed Nuuraani wuxuu Wasiirka Caafimaadka Imaaraadka siiyay
warbixin la xiriirta guud ahaan xaaladda caafimaadka dalka
iyo baahida ay Wasaaradiisu qabto , gaar ahaan dhanka dayactirka
iyo qalabeynta cisbitaalada dalka oo runtii u baahan dadaal
iyo hawl adag ,isagoo isla markaana tusaaleeyay Wasiirka inay
iyana jirto baahi weyn oo dalka oo dhan ah oo dhanka daawada
ah .
|