|
Waxaa
1dii bishan Oktober ka dhacay magaalada Kaula Lumpur xafalad
ay soo qaban qaabiyeen ururka ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia.
Xafladaas oo looga gol lahaa taageerada natiijooyinkii ka
soo baxay shirkii dibu u heshiisiinta ee lagu dhisay baarlamaanka,
gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxwaynaha jamhuuriyadda Soomaaliya
ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay degmada Carta ee dalka Jabuuti.
Xafladaas
oo laga soo jeediyay bayaan ku saabsan talo jeedin kaas oo
loo diray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Dr. Cabdulqasim
Salaad Xasan iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Md. Dr. Cabdalla
Deeroow Isaaq.
Xafladaas
oo ay ka soo qaybgaleen ardayda jaamacadaha kala duwan ee
wadankan Malaysia sida: University Putra Malaysia, International
Islamic University, University Technology Malaysia, Malaysian
National University, University Malaya iyo oo ahay halkii
lagu qabtay xafladda iyo weliba jaaliyadda Soomaaliyeed ee
ku dhaqan wadankan Malaysia oo aan u kala harin ka qaybgalka
xafladaas.
Waxaa
xafladda furitaankeedii aayadaha Quraanka ka akhiriyay Sheekh
Musse Maxamud Axmed. Waxaa ereyo soo dhowayn ah iyo sharaxaad
ka bixiyay shirkii dib u heshiisiinta Mr. Ibraahim Sheekh
Abdulqaadir. Kadibna waxaa xafladda si rasmi ah u furay gudoomiye
ku xigeenka ururka ardaya Soomaaliyeed ee Malaysia Mr. Yusuf
Ismaaciil Bulale.
Kadibna
waxaa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyay Inj. Axmed Calasow oo
ka jeediyay qudbad dheer isaga oo ka soo bilaabay halgankii
loo soo maray xuriyadda, dhibaatooyinkii wadanka ka dhacay,
sida ay nabadu lagama maarmaan u tahay iyo waxyaabaha loo
baahan yahay. Intaa kadib waxaa ka hadlay rag fara badan oo
ay ka mid yihiin. Dr. Nuur Cabdi, Dr. Musse Maxamud Axmed,
Dr. Qaasim Xirsi Faarax.
Gabagabadii
shirka waxaa bayaankii ka akhriayay Mr. Cabdullahi Faarax.
Dhamaan ka qaybgalayaasha iyo ragii meesha ka hadlay waxay
u mahad celiyeen Madaxwaynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar
Geele, dowlada Jabuuti iyo dhamaan shacabka reer jabuuti,
taageeradii wayneyd oo aan loo kala harin oo ay ka geysteen
isu keenitaanka iyo ku dhiirigelintii inay cuqaashii halkaa
isugu tagtay ay nabad u soo hooyaan dalkeena hooyo.
Waxaa
sidoo kale halkaa mahad looga jeediyay dhamaan odayaasha dhaqanka
ee Soomaalida, culmumaa’udiinka, mutacalimiinta, haweenka
iyo ururada bulshada oo suurtogal ka dhigay inuu shirkaasi
guul la taaban karo gaaro. Ugu danbayntiina waxay dowlada
iyo baarlamaanka la soo doortay inay gutaan waajibaatka balaaran
ee dhabarka u saran si daacadnimo, wadanimo iyo islaanimoba
ah.
Waxayna
ku booriyeen dhamaan ummada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba
wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba inay garab istaagaan ayna
la shaqeeyaan ayna taageero hiil iyo hooba ahna ay ka geystaan
sidii wadanka dib loogu dhisi lahaa.
Waxay
sidoo kale baaq u soo jeediyeen raga ka soo horjeeda natiijooyinkii
ka soobaxay shirkaas isaga ah inay ka waantoobaan damaca gaarka
ah oo ay walaalohooda dhibaataysan wax la qaybsadaan ileen
soomaalidu kuligeed wada talin maysee maadaama ay waqtigoodii
ka faa’idaysan waayeen xiliyadii tegay.
Bayaanka
oo faahfaasana dib ayaa idiinkaga soo diri doonaa. Waxaan
halkan ku soo lifaaqnay sawiro laga qaaday dhacdooyinka xaflada
oo ay ka qaybgelayaan qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha xaflada.
Xafladaas
waxaa soo qabanqaabiyay rag ay ka mid ahaayeen:
Mr. Cabdullah
Faarax [MSc Candidate]
Mr. Cadulaahi Cali Maxamed- Xoogsade [MSc Candidate]
Mr. Cali Jimcale Cali [MSc]
Mr. Cabdiraxamaan Cabdishukuur [MA Candidate]
Mr. Saciid Cabdulahi Deni [MA Candidate]
Mr. Ibrahim Sheekh Abdulqaadir- Shidane [Ph.D Candidate]
Mr. Musse Qabobe Xasan [Ph.D Candidate]
|