|
Mogadishu,12th July 2001 Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda
KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Daahir Sheikh Moxamed
(Dayax) ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho dorraad
10kii July 2001 Xaruun cusub oo lagu daryeelo caafimaadka
bulshada Soomaaliyeed oo loo bixiyay Xaruunta Caafimaadka
Takhasusiga ee Carafaat ( ARAFAT SPECIALIST MEDICAL CENTER
).
Xaruuntan
oo lagu qalabeeyay qalab casri ah waxaa ka hawl gali doona
takhaatiir muddo badan ku maqnaa wadanka dibediisa oo dib
ugu soo laabtay iyo kuwa sii joogay dalka .
Waxaana
iska kaashaday hirgelinteeda Hay'adda wadaniga ah ee ZAM-ZAM
FOUNDATION iyo takhaatiirta soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin
:-
1) Dr. Cismaan Aadan Cabdulle ( Cudurrada Guud ),
2) Dr. Maxamuud Zaahid Maxamed ( Cudurrada Guud ),
3) Dr. Cabdullahi Maxamuud Maxamed ( Cudurrada Keliyaha &
Kaadi-mareenka )
4) Dr. Cabdullahi Faarax Caseyr ( Cudurrada Caruurta )
Waxayna
Xaruunta oo ku taala Xaafadda Yaaqshiid ( inta u dhexeysa
guryaha Caymiska iyo Xaruunta Telefishinkii hore ) ka kooban
tahay:-
B)
Bukaan Eegto ;
T) Sheybaar si casri ah u qalabeysan ;
J) Raajiyo
X) Ultrasound iyo Indoscopic Instrument .
Xafladii
furitaanka oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay waxaa
kaloo ka soo qaybgalay Wasiiro ka tirsan Dawladda KMG ah ,Xubno
ka socda Baarlamaanka iyo madaxda maamulka Gobolka Banaadir
iyo marti sharaf kale .
|