|
Laga soo
bilaabo shalay oo taariikhdu ahayd 3da March 2001,waxay Imaaraadku
xayiraaddii ka qaadeen hilibka qalan ee xoolaha Soomaaliyeed
oo kaliya .
Injineer
Cabdalla Jumca Al-Janiibi oo ah Madaxa Qaybta Taftiishka iyo
Fayo-dhowrka Dawladda Hoose ee Abu Dhabi oo u waramay Jariidada
Al-Itixaad maanta, waxaa uu u sheegay in Agaasinka Guud ee
kulmiya Dawladaha Hoose ee Imaaraadka uu si rasmi ah u gudoonsaday
go'aankan xayiraad qaadidda , kadib markii guddi baaritaan
loo diray dhamaadkii bishii February ee sanadkan 2001 dalalka
Soomaaliya, Sudaan iyo Ethiopia , guddigaas oo si dhab ah
u soo hubiyay caafimaadka iyo daaweynta xoolaha la dhaqdo
, nadaafadda suuqyada lagu iibiyo iyo kawaanada lagu qawracaba
.
Waxaa
kaloo jirta , xusidna mudan kaalinta Laanta Cunnada Adduunka
(FAO) ka qaadatay hubinta iyo tasdiiqinta natiijada ay khubarada
Imaaraadka ka gaareen socdaalkii labada todobaad ahaa ee ay
ku kala bixiyeen saddexdaas dal ee aanu soo sheegnay, iyadoo
qaraarkani uu saameeyo oo kaliya hilibka qalan , oo aaney
ku jirin soo dhoofinta xoolaha nool .
Sida la
ogsoon yahay , tan iyo markii lagu arkay cudurka (Rift Valley
Fever ) meelo ka mid ah Boqortooyada Sacuudiga iyo dalka Yaman
bartamihii bishii September ee sanadkii tagay , oo ay dad
badana u geeriyoodeen , waxaa xayiraad lagu soo rogay soo
dhoofinta hilibka qalan iyo xoolaha nool ee Soomaaliyeed oo
runtii ahaa laf-dhabarka dhaqaalaha iyo ilaha ay dalka ka
soo galaan lacagta adag , waxayna taa dhaawac weyn u geysatay
ganacsiga iyo maciishada xoolaleyda
|