Web Hosting
Main Page
Latest News
BBC Somali 1800

BBC Somali 1600

Topic of the week
Mogadishu Links
Somalia (60 - 69)
Somalia-Study
Somali Links
Chat Room

Djibouti Conference



M.M.Afrah's Books
  

0rder M. M. Afrah's book
THE SOMALI TRAGEDY
THE GANG RAPE OF A NATION. Mr. Afrah is a skillful writer and innovative storyteller. CLICK HERE FOR THE REVIEWS AND HOW TO ORDER THE BOOK.


Search BBC News

 


Previous News

Sep-Oct 2004 News
Aug 2004 News
July 2004 News
June 2004 News
May 2004 News
April 2004 News
Mar. 2004 News
Feb. 2004 News
Jan. 2004 News
Dec. 2003 News
Nov. 2003 News
Oct. 2003 News
Oct. 2003 News
Sep. 2003 News
Aug. 2003 News
July 2003 News
June 2003 News
May 2003 News
April 2003 News
March 2003 News
Feb 2003 News
Jan 2003 News
Dec 2002 News
Nov 2002 News
Oct 2002 News
Sep 2002 News
July 2002 News
May 2002 News
April 2002 News
March 2002 News
Feb. 2002 News
Jan 2002 News
Dec 2001 News
Nov 2001 News
Oct 2001 News
Sep 2001 News
Aug 2001 News
June 2001 News
July 2001 News
May 2001 News
April 2001 News
March 2001 News
Feb. 2001 News
Jan. 2001 News
Dec. News
Nov. News
Oct. News
Sept. News
August News
July News
June News
May News
April News
March News
February News
January News


Xuska aas-aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed !

 

Mogadishu,10th April 2017
By Banadir.com

Marka ay taariikhdu tahay 12ka April 2017 waxay ku beegan tahay sanadguuradii 57aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed – taas oo ay dhidibada u-qotomiyeen rag saraakiil ahaa oo qalbigoodu xumaan iyo xasad ka nadiifsanaa, magac iyo maamuus weynna ku yeeshay Umadda Soomaaliyeed dhexdeeda dadaalki ay u-soo galeen in laga mira-dhalo hawshii loo igmaday awgeed, ayagoo u-huray naftooda xaqiijinta dhismaha ciidankaas laga soo bilaabo 12kii April 1960.

Waa taariikh lama ilaawaan ah oo baal dahab ah kaga jirto jiritaanka qaranka Soomaaliyeed maxaa yeelay marnaba qaranka kuma uusan hungoobin xaalad kasta oo lagu jiro -nabad iyo dagaal - Xoogga Dalka Soomaaliyeed . Dabcan ciidan kasta oo dunida ka jira waxa uu xilka u-sidaa waa difaaca dalkiisa iyo dadkiisa iyo ilaalinta maslaxada dalka uu ka soo jeedo.

Sidoo kale ciidan kasta wuxuu xooggiisa ku jiraa waa cududda xubnaha uu ka kooban yahay laga soo bilaabo saraakiil, saraakiil-xigeen iyo dabley iyo tababarka uu ciidankaas u-leeyahay isticmaalka hubka uu ku qalabeysan yahay. Waxaa arrinkaas soo raaca waa jiritaanka hogaamin wax-ku-ool ah oo ciidankaas hagta iyo ku-dhaqanka dishibiliin adag oo ciidanka u- siman yahay.

Hadaba iyadoo hawl kasta oo lagu dhaqaaqo oo bilow ah ay sideedaba iska culus tahay, ayaa hadana marka ay timaado dhismaha ciidan cusub oo u-baahan wax kasta uu yahay shaqo aad u-adag, gaar ahaan iyadoo markaas aan weli dalku gaarin xornimo taam ah. Waa in loo helo ciidankaas xafiisyo laga hogaamiyo, xeryo ay ku hawl-galaan,qalab is-gaarsiin,hub noocya kala duwan ah,saanad iyo saad aan kala go’in,gaadiid iyo shidaal joogto ah, dhar,kabo,koofiyado,galuusyo,astaamo iyo calamo lagu kala garto qaybaha uu ciidankaas ka kooban yahay, darajooyin min alif ilaa iyo Sarreeye Guuto, iwl.

Ma ahan hawl sahlan sida akhristow aad dareemi karto, waxyaabaha aan qormadan ku soo xusayna waa kuwa bilow ahaa oo baahida marba markay ka danbeyso way sii kordheysay, waana mid mar walba la socoto kororka tirada ciidanka. Hadaba waxaa marag ma-doonta ah, taariikhduna ay xuseysaa in xilka hogaaminta iyo dhismaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo igmaday Allaha U-Naxariistee Sarreeye Guuto Daa’uud Cabdulle Xersi, isagoo hawshaas culus ee aan soo xusnay ku gutay si daacad ah oo geesinimo leh.

Suurtagalida dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed ayadoo loo adeegsanayo adduun dhaqaale oo aad u yar, laguna jiray xaalad siyaasadeed oo curdun ah oo uu Wadanka ku helay madaxbanaani 1dii July 1960kii, waxaa shaki ku jirin inuu abaal ballaaran ku leeyahay Sarreeye Guuto Daa’uud Cabdulle Xersi iyo saraakiishii kale ee kaalinta lixaad leh ka soo qaatay taabagalka ciidamada Xoogga Dalka iyo ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Allaha U-Naxariistee wuxuu General Daa’uud ka mid ahaa loodka koowaad ee Saraakiishii ugu horreysay ee waxbarasho leyli-sarkaalnimo ah loogu diro dalka dibaddiisa sanadku markuu ahaa 1950 ilaa iyo 1953. Waxayna loodkaas kala ahaayeen xubnaha hoos ku xusan, si aan u-xusuusino intii waagaas joogtay, jiilalka danbena u-barno :-
Qaybtii Koowaad ( 1950-1953)
1- Daauud Abdulle Hersi.
2- Maxamed Siyaad Barre.
3- Maxamed Abshir Muuse.
4- Xussein Kulmiye Afrax.
5- Maxamed Ibrahim Axmed(liiqliiqato).
6- Maxamed Caynaanshe Guuleed.
7- Abdalla Cadami.
8- Qamiisow bin Qamiisow.

Sidoo kale, loodkii 2aad eek u xigay loodkaas, waxaa iyana waxbarasho leyli-sarkaalnimo dalka dibadiisa loogu diray sanadadii 1953 ilaa iyo 1956 xubnaha hoos ku magacaaban oo kala ah :-
Qaybtii labaad (1953-1956)
1-Salaad Gabeyre Kediye.
2- Maxamed Cali Samatar.
3- Abukar Gacal Muude.
4- Maxamed Nuur Maxamud. (Baarqab)
5- Maxamed Farax Caydiid.
6- Abukar Xassan Weheliye .(Suulaleey)
7- Abdullahi Yusuf Axmed.
8-Maxamed Cali Sharmaan.
9-Cabdalla Maxamed Faadil.
10-Xassan Maxamud Sabriye. (Gaamuur)
11-Ibrahim Rooble Doonyaale.
12-Nur Caddow Xadow.

Bahda Banaadir.com waxay hambalyo weyn u-soo direysaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, gudaha dalka iyo dibadiisaba, gaar ahaana Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed haday yihiin saraakiil, saraakiil xigeen iyo dabley, waxaana ku guubaabineynaa dadaalka ay ugu jiraan difaaca dalka iyo dadka muwaadiniinta inay sii laba laabaan.

Iyadoo fursaddan qaaliga ah ee lagu xusayo sanadguuradii 57aad ee ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed laga faa’iideysanayo, waxaanu u-soo jeedinaynaa dawladda iyo shacabweynaha Soomaaliyeed inay garab ku siiyaan ciidanka Xoogga Dalka gudashada waajibaadkooda, gaar ahaan maamulka cusub ee Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo waa inuu tixgelin gaar ah oo lagu joogteeyo bixinta mushaaraadka xubnaha ciidanka siiyaa, si loo helo ciidan ku dhisan dishibiliin & kala danbeyn, dalkana cadawga ka daafaca.


Hosted and Developed By The Web Technology

Main Page | Latest News | Reuters News | A. Press News| Washington Post |Contact Us

Copyright © 1999 banadir.com  All Rights Reserved

 


The Centre for Research & Dialogue (CRD)
-->