Waresi lala yeeshay Yaasiin Maaxi Macalin

Yaasiin Maaxi Macalin oo ka qayb galay Shir Symposium oo ku saabsanaa The Global Progressive Forum wich is a joint initiative of the Party of European Socialists, the Parliamentary Group of the PES and the Socialist International. Oo ka dhacaayey Brussels, (the Kingdom of Belgium) oo la qabtay 27-20 November

SOOMAALIWAYN: Yaasiin Maaxi Macalin wuxuu ku bar baaray kuna dhashay magaalada Muqdisho waxabarashadiisana waxay ahayd ilaa heerka dugsiga sare wuxuu ahaa ciyaartooyda kubada kolayga ee xulka GOBOLKA BANAADIR iyo ciyaartoydii heerka koowaad ee kubada kolayga u ciyaari jirtay naadiga Badda, Yaasiin Maaxi Macalin wuxuu wadankiisa Hooyo (SOOMAALIYA) ka soo tagay sanadka markuu ahaa 1988, wuxuuna Iminka ku nool yahay dalka Sweden, isagoo xubin fir-fircoona ka ah xisbiga social democratic ee haya maamulaka dalkaas, Yaasiin Maaxi Macalin waa qoraa wuxuuna ku soo caan baxay buugiisii ugu horeeyey ee uu qoray (SHEEKEEYE) sheeko xariirooyinka hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed iyo buugiisa 2aad oo isgana ahaa FURAHA–FARBARASHADA oo ah buug farbarasho ee uu ugu talo galay dayarta SOOMAALIYEED ee ku nool qurbaha AF-soomaaliga waa midnimada ummada u hartay. Buugaagtiisa uu soo saaro waxaa iska kaashada bandar dhaqan Naadiga horumarinta fanka iyo suugaanta soomaaliyeed ee uu gudoomiyah ka yahay iyo somali youth Developmant Network.


Robin Cook, president of the Party of
European Socialists iyo Yaasiin Maaxi

Yaasiin Maaxi Macalin waxaa kale ee uu xubin fir-fircoon ka yahay URURKA ISBAHAYSIGA UMMADA SOOMAALIYEED EE ISWIIDHAN islamarkaana ah Xogayahay Ururada. Yaasiin Maaxi waxaa uu aad iyo aad ka qayb qaataa doodaha arimaha bulshada joornaalada iyo internetka lagu soo qoro hadeey noqon lahayd af-soomaliga iyo afka Iswiidhishka waxaa ka mid ah qoraalada iyo doodaha uu wax ka qoray.

SIDEE NABAD WAARTO LAGU GAARI KARAA?
MAXEEY SWEDEN HORUMARKA KU GAARTAY?
SOOMAALI ARAGTAYAA YAAB ARAGTAYAA?
CIYAARTOOY ISU BADELAY SIYAASI.
(
Af-Iswidhish)
ISKA HOR IMAADKA DHAQAMADA
(
Af-Iswidhish)
Iyo kuwo kale oo aan halkaan ku soo koobi karin.

SOOMAALIWAYN: Sida aan la socono Mudane Yaasiin Maaxi Macalin Maalin dhawayd waxaa ka qayb gashay Shir Symposium oo ku saabsanaa The Global Progressive Forum wich is a joint initiative of the Party of European Socialists, the Parliamentary Group of the PES and the Socialist International. oo ka dhacaayey Brussels, (the Kingdom of Belgium) Waxyaabaha looga hadlaayey iyo dadkii soo qaban qaabiyey wax manooga sheegi kartaa?


Safiirka Qaramada midoobay u fadhiya SWEDEN Jean-Pierre Schori iyo Yaasiin Maaxi

YAASIIN MAAXI: BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM gabdhaheena waxey ku buraan buraan waxaan bisinka laga bilaabeen barako malaha sidaa awadeed waa inaan bisinka ku bilaabnaa. Hadaan u soo noqdo su`aashaada Haa wax waan kaaga sheegi karaa waxyaabaha looga hadlaayey iyo dadkii ka soo qayb galay waxay ahyd hadaan ugu horeeysiiyo tan ujeedooyinka FORUMKA waxay ahayd ayadoo la filaayey in aduunka isku jiho aadi doona mar haduu dagaalkii qaboobaa dhamaaday ayaa waxaa laga dhaxlay qilaaf keenay tafaraaruq iyo iska hor imaad sidaa awadeed waxaa la doonaayay in la horumariyo aduun waynaha aan ku noolnahay oo wax laga badalo. We need global progressive alliances for change. Oo waxaa la rabaa in la helo Aduun ku dhisan Bulsho caadil ah, islamarkaasna ku dhisan shir iyo showr oo ah Demcracy, Nabad iyo amniga.

Arintu si kastaba ha ahaatee dadkeena ka qayb galay horumarinta bulshada aduunka waxaynu aaminsanahay in kulamada iyo wadashaqeeynta sidaan mar hore loo baahnaa in la qabto. FURUMkaas waxaa ka soo qayb galay ururo siyaasi ah iyo kuwa aan siyaasi ahayn si loo helo quwad isu tagta kuwaas oo wadaaga fikrad oo doonaaya isbadal cadaalad ku dhisan, sababahaas ayaa dhaliyey in la qabto the Global Progressive Forum Ayadoo aay soo qabanqaabiyeen Party of European Socialists, its parliamentary group in the European Parliament and the Socialist International.

Waxyaabaha looga hadlaayey waxaa ka mid ahaa

Round tables on
development issues
Round tables on
global policy issues
Round tables on global governance
  • UN Millennium Goals
  • More and better jobs
  • Trade and poverty
  • Poverty, environment and natural resources
  • The fight against AIDS
  • Education, knowledge, and technology
  • Wider global security
  • International migration
  • Cultural understanding
  • Human rights and democracy
  • Global public goods
  • Global financing
  • Reform of the United Nations
  • Reform of the IMF and the World Bank
  • Regional integration
  • Europe in the world
  • Corporate social responsibility
  • Youth for global progress

YAASIIN MAAXI: Aniga waxaa i dirsaday Iswiidhishka sida aan horey kuugu sheegayna waxaan ku jiraa dhanka siyaasada Iswiidhan waxaan xubin ka ahay baarlamaanka Degmada Katrineholm ee Sweden halkaas oo aan ka ahay xiriiriyahay arimaha dibada ee Degmadaas islamarkaasna waxaan fadhiyaa hay`ada Hidaha iyo dhaqanka ee dagmadaas. Aniga waxaan qaatay afar qodob oo aay ka mid yihiin,

  • International Migration
  • Reform of United Nations
  • Cultural Understanding
  • UN Millennium Goals.

Mary Robinson iyo Yaasiin Maaxi
former UN Commissioner for Human Rights, former President of Ireland. now chairs the Ethical Globalization Initiative based in New York

Intaba waxay hoos yimaadaan Qaramada midoobey waana arrimo in muddo ah laga munaaqishoonaayey. Arrinta ku saabsan "reform of the United Nations" waa arrin cakiran oo wax symposium looga hadlaayo aan wax looga qaban karin ee aniga waxaan awoodda saaray sadaxda kale:

International migration iyo cultural understanding iyo UN Millennium Goals Sadaxdaan qodob "topics" waxay si aad ah u khuseeyaan "Europe" oo dooneyso inay wax ka qabato waxna ka badesho mustaqbalka fog.

SOOMAALIWAYN: oo maxaa dhacay oo aad xooga u saari wayday in wax laga badelo arimaha Qaramada midoobay Reform of United Nations

YAASIIN MAAXI: Waxaa muhiim ah in marka hore la fahmo sida loo aasaasay Qaramada midoobey iyo ujeeddada loo aasaasay. Dadkii fikridda aasaasiddeeda ka dambeeyey meesha ay joogsadaan ayuu Qaramada Midoobey wax qabadkeedana ku dambeeynayaa. Sideedaba UNka waxaa lagu aasaasay "the Atlantic Charter" in 1941 by Winston Churchill and President Roosevelt and with its Charter, it has been fully established in 1945 by the "Sanfrancisco Declaration." In short, the reform of the United Nations can be possible only through the will of America and Britain, si kale wax kuma soconaayaan.

SOOMAALIWAYN: Ka Soomaali ahaan waxaa jira dhibaatooyin la xiriira tah-riibka iyo qataraha aay soomalidu kala kulanto badaha arintaas ma looga hadlay shirka.

YAASIIN MAAXI: MAYA loogama hadlin arintaan ANIGA ayaa qaasatan u xiiseeynaayey waxaa kale oo jirto URURKA ISBAHAYSIGA UMMADA SOOMAALIYEED EE ISIIDHAN oo ah u doodaha iyo soo dhiciyaha xaquuqaha soomaaliya iyo weliba ilaaliyaha sumcada ummada aan ka dhalanay ayaa iyagana fariin gaar ah iigu dhiibay arintaan iyo arimo la xiriira qaxootiga dib loo celinaayo ee loo celinaayo wadamada Yurubta kale aay ka yimaadeen oo runtii iyadana ah dhibaato aad u wayn oo xal loo la yahay marka waxaan si qaas ah ula kulmay Jan O KARLSSON Co-Chair of the Global Commission on International Migration (GCIM), former Minister for Development Cooperation, Migration and Asylum Policy, Sweden Oo aad taqanaan runtiina waxaa ku heshiinay inaan markale kulano si qaas ahna arimahaas iyo arimo kale oo la xiriira arimaha soomaaliya kawada xaajoono waxaana ku kulmi doono SWEDEN Stockholm bilaawga sanadka cusub haduu Ilaah yiraah.

Waxaa maqli jiray HOOL KUU TAAL HOOSKEEDA LAMA HARSADO waxaan taas u leeyahay in Soomaaliya iyo Soomaalida dhibka aay ku jirto in laga badbaadiyo Waxaay u taal Anaga cidna yaanan sugin in aay wax nooqabtaan hadeey noqon lahayd YURUB, QARAMADA MIDOOBAY, USA, IGAD,CARABAH, iyo intii kale ee ka soo harta intaas howshaan anaga ayey noo taal ee soomaalida jiifto hurdada halaga kiciyo oo yaan la kicin kan soo jeedo oo horay ayaa loo yiri nin soo jeedo lam kacsho ee nin jiifo ayaa la kacshaa. Aan markale ku celsho In ummada Soomaaliyeed dhibka laga saaro waxaay u taal anaga HOOL KUUTAAL HOOSKEEDA LAMA HARSADO.
Allaa wax og!

Waxaad Yaasiin Maaxi Macalin kala xiriiri kartaa
Scandanevian Sweden
maaxi@hotmail.com



Hitta din drömresa på MSN Resor Klicka här